Waxaan wadnaa Qorshayaal badan sida Taageero Abaaraha ah wufuud Somaliland iyo Faransiisku is-dhaafsan doonaan.”

0
226

Hargeysa-(Dawan):-Danjiraha Somaliland u Fadhiya dalka  Faransiiska Danjire Cali Ismaaciil Xasan ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faransiisku ula macaamilaan Safiir Jamhuuriyadda Somaliland metela, oo xasaanad dublamaasiyadeed leh, sida Safiirada dalalka caalamka ee Caasimada Paris fadhiyadoodu yahay, isla markaana u soo jeediyey warbaahinta dalka inay ka fogaadaan baahinta dadka sheegta inay qabiil hebel u hadlayaan wararkooda.

Safiir Cali Ismaaciil Xasan ayaa sheegay in muhiimadii koowaad ee kulankii safiirada Jamhuuriyadda Somaliland  loogu qabtay magaalada Berbera la mid yahay kuwa wadamadda caalamka, sida dalkuu joogo ee Faransiiska sannad walba bilowgiisa u qabato safiiradooda caalamka, kana xusi karo in dhammaan dublamaasiyiintii ka soo qeybgalay dhexdooda is-barteen, isla markaana safiir kasta oo dal kale u jooga Somaliland in ay xog is waydaarsan karaan “maanta safiirka shiinaha inoo jooga talo iga soo weydiin karo waxaan xogteeda hayo, anniguna sidoo kale, laakiin qorshihii kale u dhaafayo madaxda Wasaaradda Khaarajiga iyo  Wasiirka Dr Ciise Keyd Maxamuud.”

Safiir Cali ayaa sheegay in dhawaan markuu dalka Faransiiska ka soo dhoofayey ay madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibeddu wax ka weydiiyeen siduu u arko kulankii dhexmaray Madaxweynaha Faransiiska iyo Ruushka oo bulshadu qofba si u fasirtay, balse wuxuu safiir Cali sheegay inuu ku macneeyey sida siyaasada Yurub iyo Ruushku u kala durugsan tahay.

Safiir Cali Ismaaciil Xasan oo ka hadlayey wareysi telefishanka Horyaal 24 la yeeshay khamiistii ayaa su’aalahii la weydiiyey intii ugu muhiimsanayd oo wargeyska Dawan idiin soo gudbinayo, waxay u dhaceen sidan;

Wuxuu sheegay inay saamayn ku yeelan doonto dalalka Yurub iyo innaga (Somaliland), maadama raashinka aynu quudanno dibedda aynu ka keensanno, mar la weydiiyey saamaynta dagaalka Ruushka iyo Ukraine ku yeelanayo caalamka iyo dalkeenna.

Jamhuuriyadda Somaliland maaha dal la aqoonsan yahay, waa sidee wada shaqeynta idinka dhexeysa dalka aad u metesho ee Faransiiska, sidoo kale waa noocma xidhiidhka xafiiskaagu la wadaago dhigiisa wadamadda kale, mar la weydiiyey ayuu ku jawaabay Safiir Cali, “Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faransiisku waxay iila macaamisha Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland  oo xasaanadiisu dhamaystiran tahay, sida loo qaabilo safiirada kale ayaa la ii qaabilaa. Dhinaca kale, sannadkii 2018 waxaan dalka Senegal kaga qeybgalay shirweyne Rugaha Ganacsiga ee wadamadda Afka Faransiiska ku hadla oo Somaliland xubin ka tahay. Shirar kasta oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faransiiska soo qabanqaabiso sida dublamaasiyiinta caalamka u jooga dalka loogu casuumo  ayaa laygu soo casuumaa, ama hay’adaha kale xukuumadu soo qabanqaabiyaan guddaha Faransiiska ama dibediisa.”

Wadamadda afka Faransiiska ku hadla Somaliland ka mid maaha, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay, “Ka mid baynu nahay, sababtoo ah waxa qoran in Somaliland dadkeedu 10% ku hadlaan Afka Faransiiska. Dagaalkii koowaad iyo labaad Soomaalidii ka qeybgashay waxay kala raaceen Faransiiska iyo Ingiriiska, markii ay hawlgabka noqdeen dadkii Soomaalidu waxay degeen Somaliland.”

Mar qorshihiisa Faransiiska ee la xidhiidha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyadda uu u hayo wax laga waydiiyay  ayuu ku jawaabay Safiir Cali, “Marka laga yimaado isdhaafsiga xogaha caalamka, sidii su’aashii hore aan kuugu sheegay ee la iiga weydiiyey miiskii dheeraa ee Madaxweynaha Ruushku ku qaabilay Madaxweynaha Faransiiska, qorshaha aan kala xidhiidho madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faransiisku waa horumarinta Somaliland iyo ictiraafkeeda, wallow, muhiimadayda koowaad tahay horumarinta Somaliland, waa in dano la is-dhaafsado, wax i sii, aan wax ku siiyee- xilligan fursadahu way fiican yihiin.

Waxaan wadnaa xoojinta xidhiidhka labada waddan, waxa jira qorshayaal badan sida taageero abaaraha, wufuud Somaliland iyo  Faransiisku ay is-dhaafsan doonaan, wada shaqeyn dhow oo hay’adaha ammaanka dhexmarta, taasoo macluumaadkooda bulshadu ogaan doonto wakhtigeeda, balse halkan aanan ka sheegayn.” ayuu u sheegay Weriye Maxamuud Walaaleye oo faahfaahin dheeraad weydiiyey Jimcahi

Su’aal laga weydiiyey inay jiraan safiiro Somaliland  oo cabasho ka muujiya wada shaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dibedda, hadday noqoto dhinaca xidhiidhada, qoraaladda ay diraan, ma jiraan caqado noocaas ah oo kaala kulma ayuu ku jawaabay “Maya, wada shaqeyn fiican ayaa noo dhexeysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo madaxda hadba joogta, waxaan ahay Safiir muddo badan xilka hayey oo fahamsan xilka saaran.

Mar la weydiiyey taladiisa ayuu Safiir Cali sheegay inuu kula dardaarmayo warbaahinta dalka oo uu sheegay inay suxufiyiin wanaagsan iyo kuwo kale ku jiraan, inay makrafoonkooda ama qalinkooda ka ilaashadaan baahinta dadka reeraha ka hadla, maadama ay yihiin arrimo aan taageerayn horumarka dalka.

 

Leave a Reply