Salaanta islaamka ka dib, duniddu wakhti walba way kala dhimman tahay, oo ma dhammaato, caqabaddo iyo dhibaatooyin dad-keenkuna kama dhammaado, balse wax walba, xalkeeda, waxuu saarran yahay, haddaba, inta wakhtigeedda joogta.
Ummadaha Ilaahay SW deegaan ku beeray, marwalba waxay lahaayeen hanaan caqabadaha haddba la soo gudboonaada ay kaga gudubto, kuwo qoran iyo kuwo kaleba, wakhtigan dambe ee magaalooyinka la soo galay, ama ummaduhu samaysteen dawladdo ay maamulkooda hoos yimaadaan caqabad kasta oo hortimaada waxa xalkeedu saarran yahay haddaba xukuumadda ay hoos tagaan.
Haddaan u soo noqdo ujeeddada aan qormadan cinwaanka sare leh qalinka ugu qaatay, waxa bilihii u dambeeyey dalka ka taagnaa sicir barar ku yimid qiimaha maciishadii daruuriga ahayd iyo shidaalka oo wax badan ku sii kordhiyey culayskii maciishada, hadday biyo helitaan tahay, iyo hadday tahay gaadiidkii shacabka danyartu adeegsanayeen marwalba qiimahii lagu raacayey la qaaliyeeyey, iyadoo aanu dunida kale sarre u kicin, waxana tusaale kuugu fillan, doraad oo Madaxweyne Muuse Biixi sheegay in shidaalka shuruucdiisa wax ka beddel lagu sameeyey, isla markaana, Markab shidaal oo ganacsade Dahabshiil keenay dekedda Berbera taagan yahay, halkii qiimaha shidaalku hoos-u-dhici lahaa, ay nasiib darro noqotay in la arkay qiimo-korodh ay kaalmahii shidaalku sameeyeen.
Haddaba, waxa isweydiin leh, maxay shuruucda dalka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee ka abuurmay ka sheegayaan furdaaminta sicir-bararka, ama xukuumaddu awood ma u leedahay ay ku xadiddo qiimaha maceeshadda daruuriga ah iyo shidaalka?
Jawaabta oo kooban waa: Xukuumaddu sharciyan, caqliyan iyo diiniyan way leedahay awood ay ku xadiddo qiimaha maceeshada iyo shidaalka.
Qodobka 11aad ee Dastuurka JSL oo ka hadla dhaqaalaha Dalka, ayaa qodobkiisa koowaad u dhigan yahay;
- Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantida wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.
Horta, dastuurkeena waxa laga soo dheegtay sida ka Maraykanka, oo caqligu ku siinayo haddaanu si bayaansan u qeexayn xalka caqabad timaada, ay daruuri tahay sabab diidaysaan jirin, in iyadoo laga shiidaal-qaadanayo sida Dastuurka Maraykanka, marka xalka caqabad la raadinayo, loogu maro oo lagaga deydo, taasoo tusaale nool inoo tahay, markii xanuunka COVID-19 ka bilaabmay dalka Maraykanku wuxuu Madaxweynihii hore Trump soo saaray wareegto uu dhammaan shirkadaha waaweyn ee Maraykanku mid walba ku amray inay soo saarto baahiyahii bulshadu qabtay, (mid lagu amray inay af-dabool samayso, mid lagu amray inay qalabka neefsashada samayso, iwm) hadda, ogow akhriste shirkadaha waaweyn ee lagu amrayo inay baahi bulshadu qabtay soo saarto isir uma lahayn soo saarista waxa loo diray.
Markaa maanta ma jirto sabab u diidaysa Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi inuu ganacsatada waaweyn ee dalka iyo shirkadaha isgaadhsiinta, iwm ku amro inuu mid walba keeno baahi bulshadu qabto cunto ama shidaal, si qiimahoodu u noqdo heer danyartu iibsan karto.
Diinta islaamku marwalba waxa ilaalisaa wadajirka ummadda islaamka, wax kastoo dhaawacayana way ka digtay, isla markaana dhiirigelisay wanaajinteeda, sida xadiis Nebiga CSW macnahiisu ahaa “Waxa idiinku kheyr badan, QOFKA ugu waxtar badan UMMADDA.” Xitaa looma kala saarin Muslim iyo Gaalo, balse waa guud ahaan ummadda.
Sidoo kale, waxa Nebigu CSW si weyn uugu digay ganacsatada inay Ilaahay SW uga cabsadaan bulshada, kana ilaaliyaan ku qaaliyeynta maciishada, xilligan oo dunnida culaysyo ka jiraan.
Mid kaloo baddi ganacsatadeenu khalad ka fahmeen, gaar ahaan kuwa shidaalka, oo idaacadaha BBC Somali, VOA Somali ama warbaahinta kale ay ka maqlaan “QIIMAHII SHIDAALKA WAXBAA KU KORDHAY” waxay isla markiiba kordhiyaan qiimahii shidaalka ay ku iibinayeen, balse wax isweydiin leh, shidaalka kordhay waa kee?