Maxay ka wada Hadleen saddexda xisbi Qaran iyo Guddida Doorashooyinku?

0
384

Hargeysa (Dawan) Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, kulankan ayaa ujeedadiisu ahayad in KDQ ku soo bandhigo qorshaha iyo jadwalka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo la filaayo dhawaan in dalka laga bilaabo.

KDQ ayaa xisbiyada la wadaagay qorshaha diiwaangelinta iyo jadwalka shaqo, xisbiyada ayaa iyaguna dhinacooda soo dhaweeyey qorshaha diiwaangelinta iyo shaqooyinka diyaar garowga ee KDQ-ku wado.

Kulankan ayaa ku soo dhammaaday is afagarad iyo in si wada jir ah looga wada shaqeeyo diiwaangelinta codbixiyayaasha.

“Waxa lagu heshiiyay in diwaangelintii doorashooyinku dalka ka bilaabanto, iyada oo labada bilood ee hore la geli doono, sida ku cad jadwalka ay guddida doorashooyinku bixiyeen uu noqon doono diyaar garowgii halka diwaangelintuna ay ka bilaabmi doonto bisha shanaad,  isla markaana kaadh qaadhashadu ay ku soo dhammaan doonto bisha toddobaad,  marka nuxurku intaas uunbu ahaa”Yuusuf Keyse Cabdillaahi.

Leave a Reply