Somaliland: Xaalada kufsiga oo laga dayrinayo

0
503

Hargeysa  (Dawan) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka dayrinaysa tirrada kufsiyada oo si xawli ah u kordhaysa, iyadoo muddo 2 bilood gudaheed ah 17 kufsi dhaceen.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Guddaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in tirrada kufsiyada ka dhacaya ciida Somaliland ay aad u kordhayso.

Waxaanu yidhi.”Sannadka cusub oo bishii saddexaad aynu maanta shan marayno 17 kiis ayaynu maraynaa, oo la hayo, hadaynu 2 bilood 17 kiis hayno sannadka dhamaadkiisa imisa ayay noqonaysa, dhowr boqol ayay noqonaysa”

Wasiirka ayaa sheegay in bulshada Somaliland hayso dariiq la wada og’yahay in ay ku burburayso haddii aan wax laga qaban kufsiga, oo aan si dhakhso ah loo meel marin xeerka kufsiga.

Waxaanu yidhi.”Madaama oo aynu hayno dariiq cad oo aynu og’nahay in bulshadeenu ku burburayso, waa in aynu sharciga ku tun tuunsanaa, madaxweynuhuna wuu saxeexay, golaha baarlamaankana waxaanu leenahay, hablihii idinsoo doortay in aydan ka war wareegin sharcigooda”

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad xadhiga lagaga jarayay, xafiis lagala socon doono danbiyada kufsiga si gurmad loogu fidiyo dhibanayaasha.

Leave a Reply