112 Arday oo ka Qalin-jabiyay Dugsiga Barashada Caafimaadka Dawladda Somaliland ee Hargeysa

0
669

Hargeysa (Dawan)- Madaxda iyo masuuliyiinta Dugsiga barashada Caafimaadka Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xaflad ballaadhan oo qalin-jabin ah u sameeyay 112 Arday oo dhamaystay barashada qaybaha kala duwan ee Culuumta Caafimaadka qaybaheeda kala duwan.

Xafladdan waxaa ku qalin-jabiyay 112 Arday oo dhammaystay culuumta kala duwan ee lagu barto dugsiga barashada caafimaadka Somaliland ee Hargeysa, isla markaana isugu jiray Umulisooyin iyo Neerays, kuwaasi, waxaana ka soo qayb galay munaasibadaasi, wasiirka wasaaradda caafimaadka, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadas, agaasimaha guud ee Hargeysa, Maayarka caasimadda, waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale oo badan.

Agaasimaha dugsiga barashadas Caafimaadka dawladda Naciima Mursal Xuseen ayaa ugu horrayn munaasibadaasi hadal ka jeedisay waxaanay sharaxday qiimaha ardaydan maanta qaalin-jabisay iyo asaaskii iyo bilawgii dugsigan, waxaanay tidhi “Anaga oo hubinayna oo raacayna xeerarka wasaardda caafimaadka Somaliland iyo tayada ardaygaasi in uu noqdo arday tayo leh aad baan ugu faraxsanahay, waxaanan si gaar ah ugu mahad naqayaa ardayda maanta qalinjabinaya ee ka soo baxay dedaalkii iyo aqoontii aanu gelinay.”

Macalimiinta iyo barayaasha Dugsiga barashada Caafimaadka Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa dareen farxad leh ku soo dhaweeyay ardaydan qalinjabisay, maadaama oo ay maanta horfadhiyaan oo ay arkayaan natiijada midhihii ay ku soo tabceen.

Gabagabadii munaasibadaasi waxa hadal ka jeediyay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, waxaanu u mahad naqay macalimiinta iyo maamulka Dugsiga barashada Caafimaadka Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu si gaar ah u hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay.

 

 

Leave a Reply