Halkuu Ku Dambayn Doonaa Dagaalka Ruushka iyo Yukrayn?

0
487

Su’aasha ugu xiisaha badan ee ay is weydiinayaan in badan oo ka mid ah bulshada caalamka waxa weeyi: “Halkuu ku dambayn doonaa dagaalka ka qarxay Bariga Qaaradda Yurub ee u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn?”

Dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalka Yukrayn (24/02/2022), wuxuu adduunka geliyey marxalad iyo xaalad cusub oo halis ku ah guud ahaannba Xasiloonida, Is-aaminka iyo Hiigsiga Horumarka bulshada Caalamka.

Qaaradda Yurub oo lagu tilmaansado taariikh, ilbaxnimo, horumar iyo dimuqraadiyad; todoba iyo todobatan (77) sano ka dib, waxa Bariga Yurub ka bilaabmay dagaal culus oo lama filaan ku noqday dalalka reer Yurub, maadaama ay is lahaayeen in wixii ka dambeeyey Dagaalkii 2-aad ee Adduunka (1945) aanay suurto gal ahayn in Qarnigan 21-aad uu Yurub dhexdeeda ka qarxi karo dagaal baaxaddaa lihi.

In kasta oo xeel-dheerayaasha Siyaasadda iyo Khubarada Milatariga ee Caalamku ay aad isugu hawlayaan in ay ka sii saadaaliyaan xagga uu dagaalkani ku dambayn doono, haddana marka la eego muuqaalka guud iyo miisaanka uu dagaalkani leeyahay; way adag tahay in si dhab ah looga sii saadaaliyo natiijada iyo halka uu dagaalkani ku dambayn doono.

Marka la isu soo ururiyo, waxa dhici karta in dagaalkani uu ku dhamaado mid ka mid ah Shanta arrimood ee soo socda:

(1) Dagaalka oo socda muddo kooban,

(2) Dagaalka oo daba dheeraada,

(3) Dagaalka oo ku fida Yurub,

(4) Dagaalka oo laga gaadho xal diblomasiyadeed,

(5) Vladimir Putin oo xilka laga tuuro! (kadib marka ay dadkiisu ku kacaan, maadaama uu ku guuldaraystay dagaalkii uu ku qaadayYukrayn).

QAYBTA 1-AAD

Qaybtan koowaad waxaynu ku falanqayn doonaa suurto galnimada ah in dagaalku uu socda muddo kooban:

(1) Dagaalka oo socda muddo kooban:

Dagaalka oo muddo kooban socda oo uu Ruushku awood milatari ku muquuniyo Yukrayn, waxay ku xidhan tahay kolba awooda ciidan iyo tabaha weerar ee uu Ruushku u adeegsado xoogaga wax iska caabiyaya ee reer Yukrayn. Waxa xusid mudan in filashadii Vladimir Putin ee natiijada dagaalka ay gebi ahaanba rumoobi wayday. Putin iyo saaxiibadiisa ugu dhawi waxay filayeen guul degdeg ah oo uu Ruushku ka gaadho duullanka uu ku qaaday Yukrayn.

Haddaba, si uu Ruushku u soo gaabiyo xilliga dagaalka, kharashkiisa iyo saamayntiisa siyaasadeedna uu u yareeyo, Ruushku waa in uu qaado tallaabooyinka soo socda oo la odhan karo waa kuwo axmaqnimo ah:

(A): Ruushku waa in uu Yukrayn u adeegsado awoodiisa ciidan ee ugu culus ee uu ku muquunin karo cida ay is hayaan. Waa in uu burburiyo dhammaan magaalooyinka waaweyn iyo saldhigyada milatariga, isagoo si qorshaysan uga weeraraya xaga cirka, dhulka, madaafiicda iyo gantaalaha liishaanka sugan leh, si uu dabadeed u jabin karo difaaca mayalka adag leh ee ciidamada Yukrayn, kuwaasoo ka dhex dagaalamaya magaalooyinka.

Tallaabadani waxay keeni doontaa in ay dhintaan boqollaal kun oo qof oo ka mid ah shacabka reer Yukrayn, sidoo kalena ay xagga Midawga Yurub u qaxaan ilaa 30 Milyan oo qof. Haddii ay taasi dhacdo waxay horseedi doontaa in Ruushka loo qaado cadaawad, dabadeedna la saaro cadaadis iyo cuna-qabatayn dhan walba leh. Laakiin waa lagama maarmaan in uu Ruushku u dhabar-adaygo fal-celinta kaga timaada Beesha Caalamka.

(B): Ruushku waa in uu burburiyo adeegyada saldhiga u ah nolosha bulshada Yukrayn, sida: Biyaha, Korontada, Telefoonada, Internetka, Jidadka, Madaarrada, Xarumaha Dawladda heer kasta. Dabadeedna uu maalmo gudahood ku qabsado Caasimada KIEV iyo magaalooyinka kale ee halbowlaha ah. Dabadeedna dadka reer Yukrayn ay noqdaan wax dhinta, wax dalka ka qaxa iyo kuwo ay qasab ku noqoto in ay u hoggaansamaan Xukunka Ruushka iyo Xukuumadda maqaar-saarka ee uu Putin ka dhisay Yukrayn.

(C): Ruushku waa in uu Xukuumadda Yukrayn ee haatan jirta ku bedelo mid kale oo isaga daacad u ah. Haddaba, si ay taasi u hirgasho, marka hore ciidamada Ruushku waa inay ku guulaystaaan in la dilo ama uu dalka ka baxsado M/weynaha dalka Yukrayn Zelensky iyo weliba Xubnaha ka tirsanaa Xukuumadiisa. Dabadeedna Yukrayn laga dhiso Xukuumad Xulufo la noqota Ruushka iyo Belarus isla markaana ballan qaada in Yukrayn aanay weligeed ka mid noqon doonin Xulufada NATO iyo Midawga Yurub.

Haddaba, haddii ay ciidamada Ruushku si wacan u hirgeliyaan saddexda tallaabo ee kor ku xusan, intaa ka dib, Vladimir Putin wuxuu noqon doonaa hoggaamiye ku guulaystay dagaalkii isla markaana afka jabiyey dhul-ballaadhsigii iyo xasaradii ay wadeen Xulufada NATO. Sumcadiisa iyo taageerada ay dadkiisu u hayaana kor bay u kici doonaan. Marka la eego loollanka siyaasada Ruushka gudihiisa, Putin wuxuu noqon doonaa nin aan la hawaysan karin kursigiisa. Ciidamadiisa badh ka mid ah ayuu kala soo bixi doonaa Yukrayn, halka ay badh kalena ku nagaan doinaan Yukrayn.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, haddii ay dhacdo in ciidamada Ruushku ay awood milatari ku muquuniyaan Xukuumadda Yukrayn iyo ciidamadeeda, haddii ay dhacdo in Putin magaalada KIEV u burburiyo sidii uu u masaxay Grozny (Chechnya), haddii ay dhacdo in uu Putin ka dhiso Yukrayn Xukuumad isaga daacad u ah; waxay noqon doontaa Xukuumad xaaraan ah, maadaama aanay haysanin kalsoonida iyo taageerada.

Waxa dhici doonta in ay sii kordhaan nacaybka loo qabo Ruushka iyo xukuumada Yukrayn ee maqaar-saarka ah, dabadeedna waxa abuurmi doona xoogag iyo jabhado ay Reer Galbeedku si weyn u hubayn doonaan oo dagaal joogto ah la geli doona ciidamada Ruushka iyo Xukuumadda ay ku adeegtaan.

La soco qaybta 2-aad:

 

 

 

 

 

Leave a Reply