Hass Petroleum oo Gurmadkooda Abaaraha Bulshada Kaga Qeyb-Qaatay Qiimo-Dhimis Shidaal

0
793

 

Hargeysa (Dawan)- Shirkada Hass Petroleum ayaa shaaca ka qaaday inay qiimo-dhimis ugu samaynayso shidaalka ay dalka keenaan si ay u khafiifiyaan culayski bulshada ka haystay maciishada qaaliga ah, waxaanay xukuumada ugu baaqeen inay hoos u dhigto cashuurta shidaalka inta xaalada abaarta lagu jiro.

Iyadoo abaar ba’an dalka ka jirto, isla markaana xaalado sicir-barar ku timi maceeshada daruuriga ee bulshadu quudato,  isla markaana bulshada danyartu si weyn u saamaysay, ayaa shirkada Hass Petroleum, oo shirkada ugu balaadhan ee shidaalka dalka keenta, ay bulshada u bayaamisay shalay inay qiimo-dhimis ku samaynayso shidaalka ay dalka keento.

Qoraal saxaafada loogu tallogalay oo shirkadu soo saartay shalay ayaa lagu sheegay in kulan maamulka shirkada Hass Petroleum ku yeesheen caasimada Hargeysa ku falanqeeyeen qiimaha shidaalka naaftada oo kor-u-kac weyn ku yimi mudooyinkii u dambeeyey, isla markaana saamayn ku yeeshay dalka oo inbadan xaala dabaaro ka taagan tahay.

Shirkadda Hass Petroleum oo tix-gelinaysa baaqii Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ee ahaa in wadanka loo raadiyo shiidaal-jaban, isla markaana Markab Naafto Jaban sida ay wadanka keentay Shirkadda Dahabshiil Group, waxay shirkadda Hass Petroleum soo saartay qodobadan hoos ku qoran:

  1. In Shirkada Hass Petroleum qiimaha shiidaalka ee Jumlada (Wholesale) ay ku samaysay qiimo dhimis dhan halkii foosto 10 Dollar taasi oo noqonaysa in halkii foosto lagaga helayo Berbera 143.784 oo Dollar.
  2. In Shirkada Hass Petroleum qiimihii tafaariiqda (Retail) ay samaysay qiimo dhimis dhan halkii foosto 15 Dollar taasi oo ka dhigaysa qiimaha halka litir ee naaftada ah 7,300 SL Shilling.
  3. Dhamaan cidkasta oo danaynaysa inay hesho shiidaalkan waxay naga helayaan laga bilaabo maalinta beri ah oo ku beegan 07 March 2022.
  4. Qiimahan kor ku xusan waxay shirkadu ku iibinaysaa inta uu ka dhmaanayo shiidaalkan jaban ee ay Dahabshiil Group Wadanka keentay. Sidoo kale shirkadu waxay geed-dheer iyo mid gaabanba u fuuli doontaa sidii ay u keeni lahayd shiidaal kale oo jaban.
  5. Waxaanu ka codsanaynaa Xukuumadda Somaliland in cashuurta shiidaalka hoos loo dhigo mudadda lagu jiro abaaraha iyo sicir-bararka baahsan.

Gebo-gebadii waxay shirkadda Hass Petroleum oo la dareen ah dadku ugu bushaaraynaysaa bulsho-weynta reer Somaliland in dhamaan kaalmaha shiidaalka ee Hass lagaga helayo qiimahan kor ku xusan laga bilaabo taariikhda beri Insha Allah.

 

 

 

 

Leave a Reply