Dugsi Boodhin ah oo laga Dhagax-dhigay Sool

0
465

Laascaanood (Dawan): Maayar ku-xigeenka degmadda Laascaanood ee gobolka Sool Axmed Maxamuud Cumar (Axmed Kawte), ayaa shalay dhagax dhigay dugsi Boodhin ah oo laga hirgelinayo degaanka Kabaalka-Xergaga ee Galbeedka magaaladda Laascaanood.

Dhagax dhiga dugsigaasi boodhinka ah waxaa maayar ku-xigeenka Laascaanood ku wehelinayay xubno ka mid ah golaha deegaanka Laascaanood, guddoomiye ku-xigeenka xisbiga UCID ee gobolka Sool Canab Cabdi Xirsi, odayaasha iyo waxgradka deegaankaasi iyo masuuliyiin kale.

Dugsigani oo ka kooban qayb Jiifka ah iyo waxbarashadda isugu jira waxaa mashruuca dhismaha dugsigaasi Boodhinka ah waxaa hirgelinaysa haayadda maxaliga ah ee Camuud Foundation, kaasoo magaciisu yahay Dugsiga Aqoomaaha ee Ixsaan.

Waxaana dugsigan Boodhinka ah loogu tallo galay in looga faa’iideeyo caruurta Agoomaha ah, ama aan waalidka lahayn. Maayar ku-xigeenka degmadda Laascaanood ee gobolka Sool Axmed Kawte, ayaa haayadda Camuud Foundation uga mahad celiyay hirgelinta dugsigaasigan Boodhinka ah, oo uu tilmaamay mid baahi weyn loo qabay.

“Haayadda Camuud Foundation waan u mahad naqaynaa. Bulshadda deegaanka Kabaalka Xergaga-na, aad baan ugu amaanayaa horumarka ay hiigsanayaan, runtiina mashaariic lagu farxo ayaa ka socda deegaankani.

Waxaanan soo indho indhaynay, oo aan soo aragnay mashruuca biyo-xidheenka, oo loo samaynayo Gebyan, biyaha loogu xidhayo. Aad baanan ugu amaanayaa bulshadda deegaankani Xergagga siday uga faa’iidaysanayaan mashaariicda loo keenay”.

Geesta kale guddoomiye ku-xigeenka xisbiga UCID ee gobolka Sool Canab Cabdi Xirsi, wakiilna ka ah qurbe joogta u dhashay deegaankaasi gobolka Sool ayaa ka warbixisay qaybaha uu ka kooban yahay dugsigan Boodhinka ah.

Marwo Canab Cabdi Xirsi, ayaa ugu baaqday qurbe joogta u dhashay degaankaasi iyo dadka muslimiinta muxsiniinta ah in ay ka soo qayb qaataan dhismaha dugsigani.

Waxaanay tidhi, “Koolejkani wuxuu ka kooban yahay, dhismeyaal badan. Waxaana loogu tallo galay in wax ku bartaan am aka aflaxaan mustaqbalka 300 oo caruur ah. Anigu waxaan ka mid ahay qurbe joogta u dhalatay deegaankani.

Waxaan rabaa in aan halkan fariin uga dirro qurbe joogta ama dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, ee khayrka jecel, in ay ka soo qayb qaataan dhismahan Koolejkani, wixii tabarucaad ah. Insha ALLAAHU waan soo gudbinaynaa akoonadda ay la soo xidhiidhi doonaan”.

Masuul u hadlayay haayadda Camuud Foundation C/laahi Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay dhismahani qaybaha uu ka kooban yahay iyo cabirka ama bedka dhulka loo qorsheeyay in laga dhiso.

“Waxaanu ka dhisi doonaa mashruucani dhul gaadhaya 100 Mitir oo laba jibaaran, oo laga dhisi doono qayb Hurdo oo Jiif ah, Fasalo wax lagu barto, Hoolal, iyo masaajid lagu cibaadaysto”ayuu yidhi masuulkaasi.

Sidoo kale masuul ka socday shirkadda ku guulaysatay qandaraaska hirgelinta dhismahani ee Anfac construction company oo isna halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday in ay dhisi doonaan haddii ALLE SWT idmo dhisme wanaagsan, oo sidii naqshadiisa loo qorsheeyay ah.

Dhinaca kale xubno ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Kabaalka –Xergagga oo iyagna halkaasi ka hadlay ayaa haayadda Camuud Foundation uga mahad celiyay hirgelinta dugsigan Boodhinka ah.

Waxaanay sheegeen in maadaama oo bulshadda deegaankaasi ay yihiin xoolo dhaqato reer guurraa ah in ay baahi weyn u qabeen helitaanka dugsi leh Jiif iyo waxbarasho.

 

Leave a Reply