Wasaarada Deegaanka iyo DP World oo Kulmay

0
347

Berbera (DAWAN): Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa shalay kulan kula yeeshay magaaladda Berbera madaxa shirkada DP World ee maamusha dekadda Berbera Mr. Supachai.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/kariin Aadan Cadde, ayaa maalmahanba safar shaqo ku jooga magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Kulankaasi oo ka dhacay xafiiska madax shirkadda DP World ee Berbera Mr. Supachai, ayay labadda dhinac kaga wada hadleen sidii wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo shirkada DP World ay ugu wada shaqayn lahaayeen ilaalinta loogu jiro deegaanka.

Waxa kaloo kulankaasi la iskula falan qeeyay dhibaatada isbedelka Cimilada oo saamayn weyn ku yeelatay guud ahaanba adduunka oo dhan, iyo si gaar ah saamaynta ay ku keentay Somaliland.

Kulankani dhex maray wasiirka deegaanka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo dhinac ah iyo madaxa DP World ayaa is faham ku soo dhamaafay, iyadoona ay masuuliyiintu kulamo kale u balameen.

Intaasi kadib wasiir Shukri Baandare, iyo agaasime C/kariin Aadan Cadde, waxay soo kormeereen qaybaha cusub ee dekeda Berbera lagu kordhiyay.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo laga soo saaray kulankaasi iyo socdaalka wasiirka iyo agaasimaha guud ee Berbera oo lagu baahiyay bogga Facebook ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo maalmahanba safar shaqo ku jooga magaaladda Berbera ayaa Sabtidii doraad gaadhay gobolka Saaxil.

Waxaana markii ay gaadheen Berbera, ayaa kulamo la yeeshay badhasaabka gobalka Saaxil, Maayar ku xigeenka Berbera, iyo Xoghayaha fulinta dawalada hoose ee Berbera iyo Isuduwaha wasaaradda deegaanka gobolka Saaxil.

Masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ayaa soo kormeer ku sameeyay xarunta wasaaradda deegaanka ee gobolka Saaxil, gaar ahaana xarunta dhir kobcinta ee magaaladda Berbera.

Sidoo kale wasiirka iyo agaasimaha guud ayaa soo maray Waddooyinka shaaracyadda magaaladda Berbera oo lagu beeray dhir kala duwan oo ay iska kaashadeen Beeristeeda qaybo ka mida dhirtan wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada iyo dawlada hoose ee Berbera

Kormeerkani waxaa wasiirka iyo agaasimaha guud ku wehelinayay badhasaabka gobolka Saaxil, maayar ku xigeen degmada Berbera iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

Leave a Reply