Buuhoodle (Dawan) – Guddoomiyaha Dagmada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle ayaa furay qaybtii saddexaad ee gurmadka biyo dhaamiska ah ee dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Guddoomiyaha degmadaasi iyo guddida abaarta ee heer degmo ayaa maanta daahfuray wejigii saddexaad ee gurmadka abaaraha ee deegaannada hoostaga degmadaasi.
Maayarka degmada Widhwidh Yuusuf Cawil Xiiray ayaa sheegay in deeq biyo ah oo soo gaadhsiiyeen guddida abaaraha ee heer qaran ay gaadhsiiyeen maanta toban magaalo oo hoostaga degmada Widhwidh.
Maayarka ayaa uga mahadceliyay cidkasta oo ka qaby qaadatay sidii biyahaasi loo soo gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan ee ay abaartu waxyeelaysay, isagoo ugu baaqay bulshada kasoo jeedaa deegaanadaasi ee dibadda ku nool, inay soo eegaan bulshadooda ay barakacisay abaartu ee u baahan taageerada.
Qaar ka mid ah bulshadii la gaadhsiiyay deeqdaasi biyaha ahayd ayaa uga mahadceliyay guddida abaaraha ee heer qaran iyo heer degmo, biyaha ay soo gaadhsiiyeen, iyagoo tilmaamay in abaar ba’ani ay ka jirto dhulka taasoo khatar ku haysa dadka iyo duunyada.