Jamaahiirta Kubadda Cagta oo u Codeeyey 25-ka Ciyaartoy ee ugu Wanaagsanaa Illaa Sannadkii 2000

0
299

Qarnigan 21aad ee kasoo bilaabmay sannadkii 2000, waxa dunida soo maray ciyaartooyo tiro badan oo cajiib ah oo ay qaarkood kusoo jireen garoomada illaa dhamaadka sannadihii ugu dambeeyey qarnigii hore ee 20aad.

Ciyaartoyda sida Ronaldinho, Zinedine Zidane, Cristiano Ronaldo, Ronaldo Nazario, Lionel Messi, Paulo Maldini iyo kuwo kale oo badan ayaa wacdaro ka dhigay garoomada oo ay taageereyaashu ku raaxaysteen bandhiggooda cajiibka ahaa.

Liisku waa dheer yahay oo ma dhamaanayo, se hadda waxa qiimaynta 25kii ciyaartoy ee ugu fiicnaa loo daayey oo u codeeyey taageereyaasha kubadda cagta, iyaga oo ku salleeyey guulaha iyo wacdarihii ay ka dhigeen garoomada.

Afti laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta ayaa waxa liiska 25ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa qarnigan lagaga dhex waayey ciyaartoyda ay ka mid yihiin Zlatan Ibrahimovic, Francesco Totti, Frank Lampard, Steven Gerrard, Paul Scholes, Wayne Rooney, Rivaldo, Andriy Shevchenko, Luis Figo, Raul iyo Fabio Cannavaro.

Hase yeeshee waxa kaalinta koowaad soo galay halyeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario oo aanu shaki ku jirin in haddii uu ka badbaadi lahaa dhaawacyadii tirada badnaa ee uu sannadaha garoomada ugu fadhiyey, inuu ka mid noqon lahaa xiddigaha ugu fiican ee abid dunida lagu arkay.

Si lama filaan ah, Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta labaad usoo galay oo ay taageereyaasha kubadda cagtu ugu codeeyeen, halka uu saddexaad u dhacay Lionel Messi.

Ronaldinho ayaa soo cidhiidhsaday kaalinta afraad, halka Zinedine Zidane uu ku jiro shanaad, waxaanu ka horreeyaa Andres Iniesta iyo Xavi Hernandez oo kusii xiga.

Halkan kaga bogo 25ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa qarnigan 21aad ee ay taageereyaashu soo xusheen:

  1. Clarence Seedorf
  2. Alessandro Del Piero
  3. Samuel Eto’o
  4. Patrick Vieira
  5. Carles Puyol
  6. Andrea Pirlo
  7. Kaka
  8. Roberto Carlos
  9. Edgar Davids
  10. Arjen Robben
  11. Phillip Lahm
  12. Iker Casillas
  13. Cafu
  14. Gianluigi Buffon
  15. Alessandro Nesta
  16. Dennis Bergkamp
  17. Thierry Henry
  18. Paolo Maldini
  19. Xavi
  20. Andres Iniesta
  21. Zinedine Zidane
  22. Ronaldinho
  23. Lionel Messi
  24. Cristiano Ronaldo
  25. Ronaldo Nazario

Leave a Reply