United oo Macallin Premier League Jooga ku Dartay Liiska Tabobareyaasha ay Doonayaan

0
371

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay Tababaraha Southampton ee Ralph Hasenhuttl ku dartay Liiska tababarayaasha ay doonayaan in ay ku badalaan Ralf Ragnick.

Kooxda Man United ayaa bilowday raadinta tababare cusub oo ay ku badalaan Ragnick dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo lala xidhiidhinayo tababarayaal badan.

Haatan, The Mirror ayaa sheegaysa in uu tababaraha Southampton ee Hasenhuttl noqday tababare bartilmaameed u ah Man United kadib markii ay la dheceen natiijooyinkiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu Hasenhuttl diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo Man United hadii uu helo fursad uu tababare ugu noqon karo Man United.

Tababare Hasenhuttl ayaa guulo muhiim ah ku hogaamiyay Southampton kana dhigay koox ay adagtahay in lala ciyaaro xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply