Abaalmarin Loo Ballan-qaaday Xiddigaha Arsenal, Haddii ay Champions League usoo Baxaan

0
450

Waxa shaaca laga qaaday abaalmarinaha jeebka loogu shubi doono xiddigaha kooxda Arsenal haddiiba ay awoodaan inay kooxdooda Champions League usoo saaraan markii ugu horreysay tan iyo 2017.

Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa fursadii ugu fiicnayd u haysata ku dhammaysiga booska afraad ee kala sarreynta Premier League kaddib markii ay booskaas kala baxeen Manchester United oo ay hal dhibic dheer yihiin iyaga oo waliba saddex kulan ka yar ciyaaray United.

Iyadoo usoo bixitaanka Champions League oo kaliyi uu 50 Milyan oo pound uga dhigan yahay inay kooxdu heli doonto ayaa xiddigaha Gunners lagu abaalmarin doonaa qayb kamida lacagtaas.

Maamulka kooxda ayaa u ballanqaaday xiddigaha kooxda inay lacag usiin doonaan abaalmarin iyadoo qadarka ugu sarreeya ee la heli karaa uu noqon doono 500,000 oo pound.

Sidoo kale xiddigaha qaar Arsenal ka tirsan ayay heshiisyadooda ku jiraan qoddobo ku xidhnaa inay kooxda usoo saaraan Champions League taas oo ka dhignaan doonta inay si toos ah mushaharadooda toddobaadlaha ahi u kordhi doonaan xilli ciyaareedka dambe.

Waxa intaas dheer in haddii ay CL usoo baxaan ciyaartoydu ay kooxda kala hadli doonaan gunnooyin kale oo dheeraad ah oo shuruud looga dhigo halka ay Champions League ka gaadhaan taas oo kor u qaadaysa dakhliga ciyaartoyda Gunners.

Ku laabashada tartanka ugu xiisaha badan Yurub ayaa kordhin doonta rajada Mikel Arteta ee ah inuu waayaheedii wanaagsanaa ku celiyo Arsenal.

Waxa ay ugu horreynba sahli doontaa fursada heshiis cusub markale lagaga saxeexi karo Bukayo Saka oo loo arko mustaqbalka fog ee Gunners.

Leave a Reply