Maxay Tahay Arrinta Keliya ee Man City ka Hor istaagi kara ku Guuleysiga Champion League

0
266

Xidigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Barcelona Jofre Mateu ayaa tilmaamay hal sabab oo ay kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ugu fashilmi doonto ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa ugu cadcad inay ku guuleysato koobka xiisaha badan xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxa ay guuldaro kala kulantay kooxda ay xafiiltamaan ee Chelsea kulankii Final-ka taas oo ahayd fursad kale oo ka luntay Guardiola si uu gacanta ugu dhigo koobka champions League kaas oo uuna ku guulaysan tan ilaa 2011.

Inkasta oo ay niyad jab kala kulantay tartanka xilli ciyaareedkii hore Man City ayaa mar kale xilli ciyaareedkan ka mid ah kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga champions League iyada oo kooxda Pep Guardiola hal lug la gashay wareega 8 dhamaadka tartanka Kadib markii ay guul 5/0 ah ka gaadheen Sporting Lisbon

Jofre Mateu oo u soo ciyaaray Barcelona ayaa sheegay in la’aanta xiddig ka ciyaara Weerarka tooska ah in ay dhaawici doonto fursadaha Man City ee ku guulaysiga champions League.

“Waxa kaliya ee aad odhan kartid ayaa ah in ayna kooxda Man City ugu cad-cadayn ku guulaysiga champions League sababta oo ah waxa ka maqan xiddig gool dhaliye halis ah, Guardiola-na wuu garanayaa arintaas”.

“Man City ka haysato xiddig kulamada champions league gool u badali kara hal ama labada fursad ee ay helaan”ayuu sii raaciyay.

Leave a Reply