Hargeysa oo lagaga Xusay Maalinta Haweenka Adduunka

0
544

Hargeysa (Dawan)- Muunaasibad ballaadhan oo lagu muunaynayey maalinta haweenka adduunka ayaa shalay lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Munaasibadaas oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirro, Agaasimeyaal Guud iyo Haween weynaha Somaliland waxa lagaga xog warramay xaaladaha haweenka iyo doorka weyn ee ay kaga jiraan JSL.

Xuskaas waxa ugu horrayn ka hadlay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha Shaqo-gelinta, Warfaafinta iyo Caafimaadka Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan, Maxamed Cabdi Xergeeye iyo Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa ka warramay dedaalada loogu jiro hurumarinta haweenka Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Deeqa Cabdi Yuusuf iyo Dr. Edna Aadan Ismaaciil ayaa ka hadlay xuskan iyo qiimaha haweenka Somaliland oo ay tilmaameen inay kaalin weyn kaga jiraan horumarka dhaqan dhaqaale ee JSL, waxaanay haweenka ku bogaadiyeen xuska maalintan oo ay sheegeen in la iskugu xusuusiyo doorka haweenka iyo sidii loo suulin lahaa wixii tacadi ah ee soo gaadha haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Wasiir Ku-xigeenka Caddaalladda Mahdi Cismaan Buuri iyo Wasiir ku xigeenka Xannaanada Xoolaha Marwo Yurub Abiib, ayaa sheegay in diinteena suubani haweenka xuquuq dhammaystiran siisay, waxaanay sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi uu mar walba si dhow ula shaqeeyo haweenka, waxaanay iftiimiyeen inuu soo bandhigay in haweenka qoondo gaar ah laga siiyo kuraasida Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

Sidoo kale, waxa munaasibaddaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ee NOW Xaliimo Xaaji Cabdi, iyo Agaasimaha Dallada NAGAAD, Nafiisa Yuusuf ayaa hadlay caqabadaha haweenka ka horyimaada iyo xuska munaasibaddaa 8da March oo ay ku hambalyeeyeen haween weynaha Somaliland.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply