Manchester United oo Weeraryahan Halis ah ka Heshay Horyaalka Premier League

0
293

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa weeraryahan dilaa ah ka heshay horyaalka Premier League kaas oo ay doonayso inay qasnaddeeda u jabiso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga foodda inagu soo haya.

Manchester United ayaa la filayaa inay isbeddelo badani ku dhacaan, isla  markaana ay ka tagaan ciyaartoyda ay qandaraasyadoodu ku egyihiin dhamaadka xilli ciyaareedka, halka dersin kalena shaki la gelinayo haddii ay sii joogayaan Old Trafford.

Red Devils ayaa ku qasbanaan doonta inay ciyaartooyo cusub la saxeexato, si ay ugu tartami karto kaalmaha sare oo ay u muuqato in xilli ciyaareedkan ay ku adkaanayso inay kasoo muuqato, kaddib guul-darradii Man City iyo barbarrihii ka horreeyey ee Watford.

Weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison ee afka hore uga ciyaara Everton ayaa la sheegay inuu ku jiro diiradda Manchester United oo ay doonayaan in xagaaga ay qasnaddooda u jabiyaan si uu uga ciyaaro Old Trafford xilli ciyaareedka dambe.

24 jirkan shaqada badan ayay Everton kasoo iibsatay Watford sannadkii 2018, waxaanu illaa waqtigaas u saftay 139 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey 47 gool iyo 12 kale oo uu caawiyey.

Heshiiska uu kula jiro Everton ayay ka hadhsan yihiin laba sannadood, waxaana la  rumaysan yahay in uu doonayo inuu ka tago Goodison Park si uu koobab ugu guuleysan karo.

Manchester United ayaa la sheegay inay laacibkan ku heli karto inta u dhaxaysa £60 milyan oo Gini illaa £70 milyan oo Gini, waxaanay hawlgalkiisa bilaabi doonaan isla marka uu xilli ciyaareedkan socda uu dhamaado.

Richarlison ayaa xilli ciyaareedkan waxa uu la daalaa-dhacayay dhaawac, waxaanu kaliya saftay 20 kulan oo dhamaan tartamada ah, kuwaas oo uu dhaliyey shan gool, iyo saddex kale oo uu caawiyey.

Sannadkii 2017 ayuu yimid Ingiriiska, waqtigaas oo ay Watford kasoo iibsatay kooxda reer Brazil ee Fluminense.

Leave a Reply