16 Ciyaartoy oo Man United ah oo Mustaqbalkoodu Mugdi Galay iyo Qaska Cusub ee ay Kooxdu Gashay

0
649

Manchester United ayaa waajahaysa xaalad adag, waxaana xagaaga ka tegi doona inta badan ciyaartoyda waaweyn oo uu ku jiro Cristiano Ronaldo taas oo musiibo ku noqon doona naadiga, isla markaana ay jid dheer oo kale soo qaadi doonto si ay ugu soo laabato heerkii laga filayay ee kaalmaha sare.

16 ciyaartoy oo kooxda koowaad ah oo qaarkoodba waqti hore magacyadoodu bannaanka usoo baxeen ayaa ka dhaqaaqi doona Manchester United marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda.

Waxa hormood u noqon doona ciyaartoyda ay qandaraasyadoodu dhamaanayaan sida Paul Pogba, Edinson Cavani, Jesse Lingard iyo Juan Mata oo iyaga aanay kooxdu lahayn awood ay ku xajisato.

Afartan ciyaartoy ayaa ku bixi doona si xor ah, waxaana laacibka ay u jabi doonaan uu yahay Paul Pogba oo ah laacibka ugu qaalisan taariikhda kooxdaas, waxaana xiddiga reer France lala xidhiidhinayaa kooxaha Paris Saint-Germain iyo Real Madrid.

Cristiano Ronaldo oo 37 jir ah, xagaagii dhowaana dib ugu soo noqday Old Trafford ayaa isaguna ka tegi doona Manchester United  haddii ay usoo bixi weydo kooxdu tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Red Devils ayaa hadda u dhacday kaalinta shanaad, waxaana hal dhibic dhaaftay Arsenal oo ay waliba baaqi u yihiin saddex ciyaarood, taas oo rajada ay Man United kaga mid noqonayso afarta sare ka  dhigaysa wax riyo oo kale ah.

Marcus Rashford ayaa isaguna ka mid noqday liiska ciyaartoyda ka fikiraya inay ka tagaan Manchester United, waxaana la rumaysan yahay in kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ay doonayso inay ku beddesho Kylian Mbappe haddii uu ka tago Parc des Princes.

Mason Greenwood oo wali ku jira xayiraad kaddib markii lagu eedeeyey inuu kufsaday gabadh ay saaxiibbo ahaayeen, ayaa isagana aan la hubin mustaqbalkiisa ciyaareed, waxaana haddii xukun lagu rido uu dhaafi doonaa Old Trafford.

Anthony Martial ayaa amaah ugu maqan Sevilla, waxaase uu doonayaa inuu si rasmi ah uga tago naadiga oo uu amaahdaba ku qasbay. Waxa sidaas oo kale ah, Donny van De Beek oo muddo uu ku dhibaatoonayay Old Trafford ay amaah ku qaadatay Everton oo uu dib ugu helayo qaab ciyaareedkii ka lumay, waxaanu qorshihiisu yahay in aanu dib ugu soo laaban naadiga, inkasta oo ay United iska leedahay awoodda dib ugu yeedhista.

Wargeyska The Sun ayaa waxa kale oo uu qoray in ciyaartooyo kale ay iyaguna doonayaan inay ka tagaan, waxaana ka mid ah Diogo Dalot or Aaran Wan-Bissaka, Dean Henderson, Phil Jones, Brandon Williams, Andreas Pereira, Facundo Pellistri iyo Tahith Chong.

Leave a Reply