Ruushka oo sheegay in Mareykanka uu iclaamiyey dagaal ka dhan ah

0
612

MOSCOW (Dawan) Kremlin-ka ayaa Arbacada sheegay in Mareykanka uu qaaday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah Moscow, taasi oo uu ku sifeeyey cunaqabateenada dalkaas loo saaray duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Dhaqaalaha Ruushka ayaa wajahaya xasaraddii ugu darneyd tan iyo burburkii Midowga Soviet ee 1991-kii kadib markii Reer Galbeedka ay cunaqabteyn curyaamisay saareen dhammaan hannaanka maaliyadda Ruushka, sabbabo la xidhiidha duulaanka Ukraine.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa cunaqabateenada Reer Galbeedka ku macneeyey “cadowtooyo waali ah” oo qastay suuqyada caalamka, wuxuuna ka digay in tani Ruushka ay ku qasbeyso inay u fakaraan si dhab ah.

Mar wax laga weydiiyey mamnuucidda uu madaxweyne Joe Biden kusoo rogay soo-dhoofinta shidaalka iyo gaaska Ruushka, Peskov wuxuu sheegay in Ruushka “uu weligiis ahaa siina ahaa doona qeybiye tamar oo la isku haleyn karo.”

“Moscow si dhab ah ayey uga fakari doontaa jawaabta ay bixineyso,” ayuu yidhi Peskov.

“Xaaladdan waxay u baahan tahay taxliilin qoto dheer  go’aanadaas uu ku dhowaaqay madaxweyne Biden,” ayuu yidhi Peskov.

“Haddii aad i weydiineyso waxa Ruushka ay sameyn doonaan, Ruushka waxay sameyn doonaan wax kasta oo lagama maarmaan ah oo aan ku difaaceyno danaheena,” ayuu yidhi

“Mareykanka wuxuu dagaal dhaqaale ku iclaamiyey Ruushka, wuxuuna si dhab ahaan hadda u wadaa dagaalkaas,” ayuu yidhi Peskov.

Reuters

Leave a Reply