Taliyeyaasha Ciidamadda Qaranka oo Bogaadiyey Saaraakiil Qalinjebiyey

0
266

“Markii Jeelka Mandheera la jebiyey halkaan joogay, maanta anigoo Janankii Booliiska hogaaminayeyna aan joogo waa imtixaan…” Taliyaha Ciidanka Booliiska

 Mandheera (Dawan)- Taliyeyaasha Ciidamadda Qaranka ee Booliiska, Milateriga, Ilaaladda Xeebaha & Socdaalka oo ka hadlay munaasibadii qalinjebinta saraakiisha ayaa bogaadiyey, isla markaana kula dardaarmay saraakiisha qalinjebiyey inay wadajir ugu shaqeeyaan dalkooda.

Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Sareeye Gaas Maxamed Adan Saqadhi (Janno-gale) ayaa sheegay inuu Ilaahay SW ku imtixaamayo waxuu sameeyo, maadama uu goobjoog u ahaa isagoo inan yar ah markii Jeelka Mandheera la jebiyey, isla markaana halku maalintaa joogay, maanta isagoo Janankii Booliiska hogaaminayey oo Madaxweynaha JSL u doortay uu halkii joogo.

Taliye Janno-gale oo khudbad ka jeediyey munaasibad ay tababar ku dhamaysteen saraakiil Booliiska, Ciidanka Asluubta, Ciidanka Socdaalka, Ilaaladda Xeebaha & Ciidanka Madaxtooyadda ka tirsan ayaa sheegay in in Ciidanka Booliisku waajibaadyo badan leeyahay oo ugu horeyso dhaqangelinta shuruucda dalka, oo dembiilayaasha qabto, dhamaan wasaaraddaha dalka la shaqeeyo, Wasaaradda Maaliyadda kala shaqeeyo uruurinta cashuuraha, Was Gaadiidka kala shaqeeyo Taraafigu, Xuduudaha dalka bad iyo berriga wuu la shaqeeyaa.

Taliyaha Booliiska Sareeye Gaas Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Booliisku marka ay aqoontan qaateen oo dhalinyarada 89-ka ah ee aqoonyahanka ah iyo dhalinyaradii shaqo-Qaran oo Ciidanka Booliisku 45 ka qaateen, 45 dhalinyaro ah oo imika shaqeeyey oo taliye-xigeeno ku bilownay, imikana Taliyeyaal saldhigyada noqday, marka la isku daro waxay noqon doonaan mustaqbalka fog hogaamiyeyaasha ciidamada dalka.

Ciidanka Booliiska marka waajibaadkiisa laga yimaado, waxa kaloo la baray sahanka, tabta dagaalka, toobogaraafiyadda, iyo dab-ridka oo takhasus ayey ku yihiin,

“Waxaan u sheegaynaa cadowga Somaliland ciidankan keliya maaha Booliis iyo socdaal, laakiin waxay u tababaran yihiin inay ka hortagaan oo madaxa gooyaan.”

Taliyaha Booliiska ayaa kula dardaarmay saraakiishii qalinjebiyey shalay inay cadaaladda ogaadaan, oo masuuliyadda idin fuushay ka soo baxdaan.

Taliyaha Booliiska Sareeye Gaas Maxamed ayaa ka sheekeeyey inuu ka mid ahaa ciidankii soo galay Cadaadlay, isla markaana uu xusuusto isagoo dhalinyaro ahaa, markii Jeelka Mandheera la jebiyey oo AHN Maxamed Cali dad gaadhaya 850 qof oo jeelka ka soo baxay intuu ku fayliyey uu yidhi ‘qofkii ciidan soo maray dhinac u bax’ oo saddex boqol iyo dheeraad u baxday, oo yidhi ‘Waxii darajo qaatay dhinac u bax’ oo boqol iyo dhowr iyo labaatan noqdeen,

“Waxaan xusuusanahay annigoo inan yar oo geeri ku talogalay markii Jeelka Mandheera la jebiyey halkaan joogay, maanta anigoo Janankii Booliiska hogaaminayey aan halkii joogo waa imtixaan Ilaahay SW igu eegayo waxaan sameeyo.”

Taliyaha Ciidanka Milateriga Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadal ka jeediyey munaasibadii shalay ayaa sheegay in ciidanku Milateri, Booliis ama ciidamada kale waa qof keliya oo qaran keliya u wada shaqeeya, markaa meel kasta oo aad joogtaan waa inaad ogaataan oo wadajir Qaranka ugu wada shaqeysaan.

“Ciidamadda dhamaantood waxa madax u ah oo Taliyahii guud ee Ciidamada oo dhan ah Madaxweynaha JSL, halka ayey ku soo wada uruuraan.”

Taliyaha Ciidanka Milateriga S/Gaas Nuux ayaa ku amaanay ciidamadii shalay dugsiga Mandheera ku qalinjebiyey, isla markaana sheegay inay kaga wanaagsanaayeen dhinaca gaardiga,

“Waan daawanayey gaardigiina, waxaan filayaa inaad Ciidamadii Dugsiga Tababarka Lixle joogay kaga fiicnaydeen markaan eego.

Taliye Nuux ayaa kula dardaarmay saraakiishii kala duwanaa inay ka digtoonaadaan in la kala qeybiyo ama reero loo nisbeeyo, maadama dhamaan ciidamada Qaranku mid yihiin. Waxuu sheegay inay bulshada ku dhexjiraan ciidanka booliisku, isla markaana, ay noqonayso bulshadu hadba siday u hagaan, ciidanka Milaterigu bulshada way ka fogyihiin.

“Ciidamadda Booliiska waxa laga filayaa waa cadaalad, oo bulshadeenu inoogu dhismaysaa.

Maanta waxa Somaliland cid walba ku dhaaftay, oo milgaha iyo sharafta ku leedahay, waa inamadeena (ciidamada) inna adeecay ee nafahoodii iyo qorigii ay siteen inoo dhiibay, ee amarada qaatay, ayeynu kaga sarreynaa, kuwii aynu xornimadeenii kala soo noqonay ee inna xumeeyey (Soomaaliya) oo sharaftaa maanta ku leenahay, ayuu sheegay Taliye Nuux.

Taliyaha Ciidanka Socdaalka Sareeya Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) oo hadal kooban ka jeediyey ayaa bogaadiyey dhamaan saraakiisha qalinjebiyey, isla markaana sheegay in tababarka la siiyey ciidanka layli-sarkaalka iyo dablaydu yahay qorshe Madaxweynaha JSL hogaaminayo si loogu dhiso ciidamadda Qaranka oo lagu xoojiyo Ciidanka Booliiska si ay nabadgelyada dhamaan dalka u hantiyaan.

Taliye Dayib ayaa u sheegay saraakiishii qalinjebiyey inay heleen nabad iyo aqoon ay u diyaariyeen rag Madaxweynaha JSL iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ka mid yihiin, isla markaana ka mid ahaayeen AHN Lixle ee magaca dugsiga loo bixiyey, dhiigaa ay soo daadiyeen mujaahidiintii AHN iyo raggii innaga horeeyey dheetfoodii maanta (shalay) waa idinka darsannaya, markaa yaanay dayacmin, isla markaana noqda saraakiishii Qaranka dhisi lahaa.

Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in saraakiil gaadhaya dhowr iyo afartan ka tisan ciidanka ilaaladda xeebahu oo ahaa ciidankii saraakiil-xigeenada shaqada lafdhabarka u ahaa ay markii koowaad ee ay tababar la qaataan Ciidanka Booliiska, hadii ciidankaasi aqoontan ku darsadeen, waxaan filayaa inay shaqadii ciidanka sare u soo qaadi doonaan, oo dhinacii banaan buuxin doonaan.

Admiraal Maxamed Xiirane oo sheegay inuu hore ciidamada booliiska uga soo shaqeeyey, ayaa ku bogaadiyey sida loo baray baadhitaanka

“Marka badda wax dhacaan Ciidamada Booliiska ayaa la dooni jiray, laakiin imika saraakiisha Ilaaladda Xeebaha qalinjebiyey, goboladda ayaan u qeybin doonaa, si marka baadhitaan loo baahdo u fuliyaan.”

Saraakiisha Ilaalada Xeebaha ee qalinjebiyey oo baadhitaanka si fiican loo baray waxaan ku xidhi doonaan kooxo Goboladda aan u qeybiyo, oo marka baadhitaan loo baahdo fuliya, sababtoo ah kiisaska baddahu wuu ka duwan yahay kuwa kale, marka uu dhaco wuu lumaa, hadaan hore loo baadhin. Xeerkuna waxuu na siinayaa inaan dembiilaha dacweyn karno oo Maxkamad geyn karno.

 

 

Leave a Reply