Guddiga Abaaraha oo Caawimo kala Wareegay Hay’adda Pharo

0
302

Hargaysa (Dawan): Haayadda caalamiga ah ee Pharo Foundation ayaa shalay caawimo biyood oo ay kaga qayb qaadanayso abaaraha dalka ka jira ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha qaranka ee Somaliland.

Waxaana caawimadaasi biyaha ah haayadda Pharo Foundation kala wareegay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna gudoomiyaha guddida heer Qaran ee Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Iyadoona ay madaxweyne ku xigeenka la wareegida kaalmadaasi ku wehelinayeen xubno ka mid ah guddiga gurmadka abaaraha qaranka.

Caawimadani ay haayadda Pharo Foundation ku wareejisay guddiga abaaraha Somaliland ayaa dhan 1,000 booyadood oo biyo ah oo ay ugu talo galeen in loogu gurmado dadka abaartu saamaysay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo goobtii ay kaalmadaasi kula wareegayeen ka hadlay ayaa haayadda Pharo Foundation uga mahad celiyay caawimadan ay soo gaadhsiisay.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa kaloo uu sheegay in gurmadkaasi biyaha ah ee Pharo Foundation ku wareejisay ay guddida abaaruhu gaadhsiin doonto bulshada u baahan.

 

 

Leave a Reply