Wasiirka Warfaafinta oo Bogaadiyey Horumarka Berbera ka Tisqaaday

0
309

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleeban Yuusuf Cali (Koore) iyo xubno kamida goleyaasha Wasiirrada, Baarlamanka iyo asxaabta Qaranka, ayaa kaga qaybgalay Magaalada Berbera munaasibad loo qabtay dufcadii 10aad ee ka qalinjabiyey Jaamacadda Golis faraceeda Magaalada Berbera maalintii shalay.

Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore) oo khudbad ka jeediyey xaflada qalin-jebinta, ayaa ku dheeraaday qiimaha waxbarashada, taariikhda magaalada Berbera iyo kaalinta ay dalka kaga jirto sooyaal ahaan, dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba, waxaanu tilmamay inay tahay hooyada Jamhuuriyadda Somaliland, horumarka ay samaysayna markhaati u yahay guulaha dalku gaadhay.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland waxa uu intaasi ku daray inay berbera soo martay xilli ku noolaanshiyaheeda iyo degsimadeeduba yarayd intii dalka lagu soo noqday, balse ay hadda noqotay mid kamida magaalooyinka ugu horumarsan dalka, uguna nolosha iyo deegaanka fiican.

“Berbera waa hooyadii Somaliland laga dhisay, way ka mudan tahay gobolada dalka intooda kale, dadkii ku taliyey, kuwii ku taageeray iyo dadkii ka shaqeeyey in jaamacadahan oo kale laga furaa qiimo weynbay qaranka u soo kordhiyeen”ayuu yidhi Wasiirku “waxaan qiraynaa in berbera markii hore kaantaroolka laga leexan jiray oo aan aad loo jeclayn in la soo galo, laakiinse maanta waxa mashaariic iyo horumar ka socda waxay ka markhaati kacayaan in Berbera hore u socotay waanan u hambalyeynaynaa dadkeeda”ayuu raaciyey wasiir Koore hadalkiisa.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibada Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa iyaguna hambalyo u diray ardayda waxbarashada jaamacaddeed dhamaystay, waxaanay kula dardaarmeen inay sii wataan barashada aqoonta,umadda iyo qarankana ugu adeegaan.

 

Leave a Reply