- Muxtarim noqo ka hor inta aanad noqon aqoonyahan.
- Noloshu waa riwaayad waa inaad akhridaa ilaa dhamaadka, ha isku taagan bogga murugada, waxa dhici karta in dhamaadku yahay farxad.
- Cadhada, murugada iyo ilmadu waa hubka dadka is dhiibay.
- Qofka garanaya wadada guusha , ma yaqaano erayga “ Maaha suuratagal”.
- Doqonku waxa uu sheegaa waxa uu garanayo, laakiin caaqilku waxa uu sheegaa waxa uu ogyahay
- Wax kastaa waxay kuugu muuqdaan sidaad adigu tahay laakiin uma aragtid sida ay yihiin.
- Khibradu waa aqoonta aad hesho markaad weydo shaygii aad rabtay
- Mararka qaarkood sababta keliya ay dadku uga sabri waayaan waxa murugada u keenaya waa isagoo ahaa waa waxa keliya ee farxada u keenayay.
- Faynuusku ma hadlo laakiin iftiin ayuu isku muujiyaa, dadka guuleystay naftooda buun-buuniyaan, laakiin waxqabadkooda ayaa hadla.
- Gawaadhida Rolls Royce lama xayeysiiyo, sababtuna waa iyagoo og qiimaha iyo tayada badecadoodu inay macaamiisha usoo jiido.
- Markaad taqaan qiimahaaga uma baahnid inaad is xayeysiiso, is tus iyo ha lagu sheego. Keliya kor u qaad qiimahaaga qofnimo, adkee shaqsiyadaada iyagaa hadlaya oo dadka kuu bandhigaya