Kordhi Qimahaaga Qofnimo!

0
381
  • Muxtarim noqo ka hor inta aanad noqon aqoonyahan.
  • Noloshu waa riwaayad waa inaad akhridaa ilaa dhamaadka, ha isku taagan bogga murugada, waxa dhici karta in dhamaadku yahay farxad.
  • Cadhada, murugada iyo ilmadu waa hubka dadka is dhiibay.
  • Qofka garanaya wadada guusha , ma yaqaano erayga “ Maaha suuratagal”.
  • Doqonku waxa uu sheegaa waxa uu garanayo, laakiin caaqilku waxa uu sheegaa waxa uu ogyahay
  • Wax kastaa waxay kuugu muuqdaan sidaad adigu tahay laakiin uma aragtid sida ay yihiin.
  • Khibradu waa aqoonta aad hesho markaad weydo shaygii aad rabtay
  • Mararka qaarkood sababta keliya ay dadku uga sabri waayaan waxa murugada u keenaya waa isagoo ahaa waa waxa keliya ee farxada u keenayay.
  • Faynuusku ma hadlo laakiin iftiin ayuu isku muujiyaa, dadka guuleystay naftooda buun-buuniyaan, laakiin waxqabadkooda ayaa hadla.
  • Gawaadhida Rolls Royce lama xayeysiiyo, sababtuna waa iyagoo og qiimaha iyo tayada badecadoodu inay macaamiisha usoo jiido.
  • Markaad taqaan qiimahaaga uma baahnid inaad is xayeysiiso, is tus iyo ha lagu sheego. Keliya kor u qaad qiimahaaga qofnimo, adkee shaqsiyadaada iyagaa hadlaya oo dadka kuu bandhigaya

 

Leave a Reply