Maamulka Gobolka Awdal iyo Guddi Xeer-beegti ah oo Go’aamo ka soo Saaray Khilaaf ka Dhashay Dhul

0
498

Boorama(Dawan)-Maamulka gobolka Awdal, ayaa soo afjaray khilaaf ka taagnaa dhul-beer ah oo ay isku haysteen laba qoys, deegaanka Fardaha oo ka tirsan gobolkaasi.

Muranka beertan, ayaa guddi xeer-beegti ah oo loo saaray go’aamo ka soo saareen, go’aankaasoo ay maamulka gobolkuna ansixiyeen, kaddib markii ay ku qanceen saxnimadiisa iyo qaabka ay guddidu uga garsoortay.

qodobka ugu weyn ee xukunka Guddidu soo saartay ayaa ah in beertaasi uu iibiyey Ismaaciil Guuleed Suldaan Samatar, kaana iibiyey Xaaji Maxamed Sh. Cumar Xaaji Axmed, isla markaana uu isagu leeyahay.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim (Timbaro) oo hogaaminayey guddida xeer-beegtida ah, ayaa gaadhay maalintii shalay goobta ay ku taallo beerta khilaafkeeda la xaliyey, waxaanay u kuur-galeen waxyaabihii ka dhignaa xogta iyo xaalada dhulkaasi.

weftiga guddoomiyaha waxa kamid ahaa Taliyeyaasha laamaha amaanka ee gobolkaasi, madaxdhaqameedyo ka soo jeeda ardaayada qoysaska khilaafka beertu u dhexeeyey iyo masuuliyiin kale.

Badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim oo hadal ka jeediyey halkaasi, ayaa ku dhawaaqay dhaqan-gelinta go’aanka xeer-beegtida, waxaanu tilmaamay in meesha laga saari doono dhamaan wixii caqabado ka dhashay muranka labada dhinac u dhexeeyey. sida in waddooyinkii xidhnaa la furo iyo in la hagaajiyo qaneecada darafyada isku hayey.

“go’aankeena wixii ka dhinaa waanu soo aragnay, waanan ka gun gaadhnay beertiina waa soo aragnay” ayuu yidhi Guddoomiye Timbaro.

Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Saldhiga 1aad Gen. Yuusuf Ibraahim Diiriye iyo Abaanduulaha Saldhigaasi Cabdilaahi Biixi, ayaa labada dhinac ee muranku u dhexeeyey ku adkeeyey inay u hogaansamaan go’aanka xeer-beegtidu soo saartay.

“Labada qoloba waxaan leeyahay mar haddii Kitaab yimi meel lagu noqdaa ma jirto, kitaabka alle cidii ku qanci waydaa wax kale oo lagu qancin karaa ma jirto. dawladdu iyadaa shaqadeeda qabsan doonta wixii intaas ka dambeeya”ayuu yidhi Col Cabdilaahi Biix.

Madaxdhaqameedka munaasibada ka qaybgalay ayaa dhinacooda soo dhaweeyey go’aanka guddida iyo fulinta maamulka gobolka, waxaanay ku taliyeen in loo hogaansamo oo aanay wax dambe ka soo noqon.

 

Leave a Reply