Kooxda Everton oo Dhibco Laga Jarayo Horyaalka Premier League

0
427

Everton ayaa qarka u saaran in dhibco laga jaro horyaalka Premier League madaama ay ku xadgudbayaan chariga faa’idada iyo isku dheelitirka dhaqaale ee u yaala kooxaha horyaalka Ingariiska.

Everton ayaa haatan u dagaalameysa inay ka badbaado inay u dhacdo horyaalka heerka labaad iyadoo kooxda Frank Lampard ay ku jiraan kaalimaha hoose ee horyaalka.

Kaliya hal dhibci ayay ka sareeyaan kooxda kaalinta 18aad ee Burnley ka dib markii laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay horyaalka.

Laakiin cabsida la xiriirta inay markii ugu horeysay taariikhdooda Premier League ay u dhacaan heerka labaad ayaa sii xoogeysaneysa iyagoo halis ugu jira in dhibco laga jaro.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in Everton ay aheyd inay shaaciso dhaqaalaheeda xilli ciyaareedkii hore bishii December.

Si kastaba, shaacintaas dib ayaa loo dhigay iyagoo Premier League kala hadlaya ilaa iyo inta ay qasaarahooda u saarin karaan saameynta Korona Fayras.

Kooxda Everton waxay qasaartay 260 milyan ginni intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020.

Sida sharciga yahay waxay taasi xadgudub weyn ku tahay sharuucda horyaalka Premier League iyadoo kooxaha loo ogol yahay kaliya inay qasaaraan ilaa iyo 105 milyan ginni muddo seddex sannadood ah.

Waxaa la sheegayaa in Everton ay shaacin doonto inay qasaartay ku dhawaad 100 milyan ginni xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21, iyadoo xaaladooda dhaqaale ay sii xumaaneyso madaama isbuucii la soo dhaafay laga kansalay heshiiskii xayaysiinta ee shirkad Ruush ah.

Everton ayaa ku dacwooneysa in qasaaraha uu sababay Korona Fayras madaama xilli ciyaareedkii hore iyo kii ka sii horeeyayba ay garoomadu ahaayeen kuwa xiran.

Balse waxaa la sheegayaa in xitaa haddii xisaabta lagu darro lacagta ay qasaareen Korona Fayras darteed in Everton ay u muuqato inay jabisay sharuurcda Premier League.

Waxaa xisaab xirkeeda laga doonayaa ugu danbeyn inay shaaciyaan dhamaadka bishaan iyadoo maamulka Premier League uu kiiskooda go’aan ka gaari doono dhamaadka xilli ciyaareedka.

Leave a Reply