Nin caqli badan ayaa rabay inuu wiilkiisa baro casharo nolosha ka mid ah, ka dibna isaga iyo wiilkiisu waxa ay suuqa u kaxaysteen dameerkooda iyagoo fuushan, dadkii oo dhan ayaa soo wada eegay iyagoo la yaaban waxaana ay lahaayeen :” Waa maxay kuwan aan naxariista lahayni ee Dameerka wada fuushan?
Odayga ayaa ka degay oo wiilkiisa ku yidhi adigu iska fuushanow. Haddana mar kale ayay dadkii sii wadeen dhaliisha iyagoo yidhi :” Muxu ahaa wiilkan aan naxariista lahayn ee Aabihii Dameerka ku wado, ma qof xanuunsanayaa?.
Haddana waxa uu wiilkiisa ku yidhi soo deg aniga koraye. Markaasi ayay haddana dadkii yidhaahdeen: “ Waa maxay Odaygan wiilkiisa yar dhibayay ee isagoo xoog dameerka fuushan!
Wiilkii ayuu ku yidhi soo deg,.. ka dibn labadoodii iyo Dameerkiiba way wada lugeeyen iyadoo wakhti kulul ahayd. Hadana dadkii waxa ay yidhaahdeen: “ Maanta iyadoo Cadceedu kulul ayay haddana iyagoo dameer haysta wada lugaynayaan, caqli xumaa labadani maxay u fuuli waayeen dameerkooda?!”.
Odayga oo u fasiraya kelmadihii dadka ayaa wiilkiisa ku yidhi: “ Weligaa ha isku deyin inaad dadka wada raali geliso, laakiin wixii aad wanaag u aragto ku dhaqaaq, waayo ma waayaysid dhaliil”. Kuwa dhaliisha sameeyay waxa ay ogaadaan ina arinku sax yahay wakhti danbe. Dadka oo dhan hadaad is tidhaa raali waad fashilmaysaa.