Golaha wakiillada oo u Yeedhay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga.

0
364

Hargeysa (Dawan)  – Guddida joogtada ee   golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa kulan xogwaraysi ah la qaatay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Somaliland.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid ayaa warfidiyeenada uga warbixiyey ujeedada kulankoodaasi daaranaa, waxaanu gudoomiyuhu uu sheegay in guddida joogtada golaha wakiilada Somaliland ay ka wado hadleen arrimaha sixir bararka  wadanka ka taagan iyo duruufta dadka danyarta ah haysata iyo sidii arrintaasi xal loogu hili ahaa, isla mar ahaantaana ay kulankoodaasi ay kaga arrinsanayeen sidii maciishada qaali garowday wax looga qaban lahaa, waxaanu guddoomiyuhu xusay xaaladda abaareed ee waddanka ka taagan in Ilaahay kasoo jabiyo masaakiintsiisa.

Dhankiisana, Gudoomiyaha guddi hoosaadka guddida joogtada ee Golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Nuur ayaa faahfaahin ka bixiyey in mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Somaliland ay kulankaasi iskula afgarteen sidii arrimaha sixirbararka wax looga qaban lahaa isla markaana loo tacaali lahaa.

Leave a Reply