Telefishanka Universal oo Baahiyey Barnaamij Ka Markhaati Kacaya Waxqabadka Ciidanka Booliska

0
239

Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Gaas Maxamed Adan Saqadhi (Jano-gale) ayaa sheegay in nabadgelyada guud ee dalku wanaagsan tahay, isla markaana wakhtigan Booliisku la dagaalamaan dembiyada Mukhaadaraadka iyo Kufsiga.

Taliyaha Booliiska oo ka waramayey barnaamij Telefishanka Universal ka diyaariyey waxqabadka Ciidanka booliiska iyo hawlgaladda heeganka ee habeen walba laga sameeyo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa sheegay in tirade iyo tayada Ciidanka Booliisku halkii ugu sareysay marayaan, qorshayaasha ay wadaan oo hore u bilaabmayna ugu muhiimsan tahay hirgelinta ficil ahaan Saaxiibtinimada Ciidanka Booliiska iyo Bulshada, oo la’aanteed waxqabadkooda aanu midho yeelanayn.

Barnaamijka Universal TV ka diyaariyey qaabka ciidanka booliisku uga shaqeeyaan amaanka dalka iyo sida ay uga hawlgalaan dembiyada dhaca ayaa intii barnaamijku socday waxa lagu daawaday laba dhacdo oo markii ciidanka booliiska lagu soo wargeliyey ay ka hawlgaleen, muddo yar dabadeedna ku guulaystay xalinteeda.

Gabadh ay laba dhalinyaro mindi sita Mobile ka qaateen ayaa markii ay ku soo wargelisay Ciidanka Booliiska Saldhiga Dhexe ee Hargeysa, kuna qoreen buuga OP-ga ay ku guulaysteen muddo yar dambadeed inay gacanta ku soo dhigaan dhalinyaradii iyo Mobile-kii gabadha.

Sidoo kale, intii barnaamijku socday Aabe dhalay Ilmo yar oo toban jir ah, kana soo lumay xaafada Jameeco-weyn ayaa soo gaadhsiiyey Saldhiga dhexe ee Hargeysa, taasoo markii ciidanku kiiska ku qoreen buuga, ayuu Taliyahii Heeganka Ciidanka Booliiska JSL habeenka ku jiray G/Sare Cabdicasiis Maxamed Ismaaciil ayaa ku wargeliyey Ciidanka Booliiska jooga Radio Hargeysa in la baafiyo ilmaha lumay, isla markaana faray Ciidanka inay ka hawlgalaan, waxaana u suurtowday Ilaahay fadligii inay ku guulaystaan helitaankiisa.

Weriye Cabdisalaan Hereri oo daadihinayey barnaamijkan oo ay habeenimo ku raaceen Ciidanka Booliiska ee hawlgaladda ay ku sugaan amaanka dalka, oo wax ka weydiiyey G/Sare Cabdicasiis sida ay uga hawlgalaan, iyo qaabka ay ugu guulaystaan, ayuu ku jawaabay “Kiisaska caruurta lunta, ciidanka booliisku way ku guulasytaan, Ilaahay fadligii. Dadkeenu waa dad fiican, marka ay la kulmaan ilmo lumay, way hayaan, marka ay baafintiisa ka maqlaan Idaacadda, waxay keenaan saldhiga ugu dhow, ama la soo hadlaan telefoonka lagu soo hagaajinayo.”

Kiisas kale oo ciidanka Booliisku habeenkii ku guulaysteen sida ilmo yar oo dibeda lagu tuuray ayaa lagu soo bandhigay barnaamijkii Telefishanka Universal diyaariyey, taasoo muujisay dedaaladda Ciidanka Booliiska JSL ugu jiraan ilaalinta nabadgelyada shacabka, oo ah waajibaadka ay u xilsaaran yihiin, isla markaana ah talaabo ay kuna amaanan yihiin.

Dhinaca kale, Weriye Cabdisalaan Hereri oo wareysi la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Gaas Maxamed Adan Saqadhi (Jano-gale) ayaa wareysi uu la yeeshay Telefishanka Universal, ayaa su’aalo kala oo duwan lagu weydiiyey iyo jawaabahii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan;

Taliyaha Booliiska Sareeye Gaas Maxamed oo la weydiiyey xaalada guud ee nabadgelyada dalka ayuu kaga jawaabay, “Xaalada guud ee nabadgelyadda dalka Somaliland aad iyo aad ayey u wanaagsan tahay, Ilaahay mahadii, marka laga reebo dhacdooyinka yaryar ee dembiyada dhaca ee Ciidanka Booliisku heegan ugu jiraan wax-ka-qabashadiisa habeen iyo maalin, isla markaana aan saamayn ku yeelan amniga guud. Marka loo eego dalalka aynu jaarka nahay iyo Somaliland meel wanaagsan ayey taaggan nahay, wax mushkilad ah kama jirto dalka.

Mar la weydiiyey dembiyada ugu waaweyn ee dalka ka dhaca ayuu kaga jawaabay, “Dembiyadda waaweyn ee Ciidanka Booliisku la dagaalamo kuwa Maandooriyaha (khamriga iyo xashiishada) ayaa ka mid ah oo ciidanka booliiska iyo bulshadu si weyn isaga kaashadaan la dagaalankiisa, waxa jira dembiyada kufsiga, oo marka dhalinyaradu mukhaadaraadka isticmaasho ay qaarkood u geystaan haweenka, dembiyo dhaca marmar waa la arkaa, laakiin, waxaan si weyn ula dagaalanay, isla markaana yaraaday dembiyadii dhalinyarada xaafada isu-dila, tuugta mobile-ka qaada, ama guryaha, iwm, imika dembiyada u waaweyn ee Booliisku la dagaalamo Mukhaadaraadka iyo kufsiga ayaa u weyn.

Ciidanka Booliisku waxay u dabaaldegeen sannadguuradii 28aad ee aasaaskooda bishii February, 2022, maxaad ku qiimayn kartaa mudadaa iyo wakhtigan xaalada Booliisku oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay Taliye Jano-gale, “Ciidanka Booliiska 28 sannadood horteed ayaa la aasaasay, waxa soo maray 11 Taliye (Ilaahay ha u naxariistee), oo mid walba heer soo gaadhsiiyey, mid walba oo yimaadaana uu ku soo kordhinayey hadday tahay tirada iyo yaradooda, gaadiidka, isgaadhsiinta ama dhismayaasha, marwalba Ciidanka Booliisku sare ayuu u kacayey. Wakhtigan aan hogaaminayey Ciidanka Booliiska isbedel badan ayaan ku soo kordhinay, ugu horeyso afar tiir oo aanu ka dhisnay, sida ku soo kordhinta dhiig cusub oo dhalinyaro aqoon leh, xaga madaxda iyo ciidanka oo ka madaxbanaan balwada, sida 45 dhalinyaro Ciidanka Booliisku ka qaatay barnaamijka Shaqo Qaran ee Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi ugu talogalay horumarinta dhalinyarada. Waxa la tayeeyey heerka aqooneed ee ciidanka iyo dhinaca kaabayaasha ciidanka booliiska oo la kordhiyey isgaadhsiinta ama gaadiidka iyo dhismayaasha Saldhigyada iyo xeryaha ciidanka ee gobolada dalka. Waxa kaloo aanu soo kordhinay barnaamij isku xidhaya Ciidanka Booliiska iyo Bulshada oo bulshada ilaalinta amaanka qeyb ka qaadata (Community policing). Hadafka ugu weyn waa in Ciidanka Booliisku noqdo saaxiibka Bulshada, si ficil ahna u hirgelino, markaa heerkii ugu fiicnaa ayuu marayaa dhismaha ciidanka booliisku waanu ka sii horumari doonaa mustaqbalka Insha alaah, oo saldhiga xaafadu noqdaa goob bulshadu la soo wadaagto waxii dhacay.

Taliyaha Booliiska oo la weydiiyey sababta saldhigyada ciidanka booliiska loogu arko dad rumaan ah iyo kuwo dembiyo loo haysto oo ku wada xidhan ayuu ku jawaabay, “Caasimada Hargeysa si weyn ayey u kobocday, dadka ku nool-na u soo bateen, waxa ku yaala Jeelkii hore, maadama uu qaadkiisu yaryahay ayaa keenta in muddo ku-meel-gaadh ah dadka la xukumo lagu sii hayo saldhigyada, tobankii maalmood mar ayaa loo gudbiyaa jeelka caasimada ama Mandheera, maaha maxaabiis ku soo negaada saldhigyada.

 

 

 

 

Leave a Reply