Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Qabatay Harimacadyo laga Ganacsanayay

0
336

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda deegaanka iy isbedelka cimiladda Somaliland ayaa maanta gacanta ku soo dhigtay afar Harimacad ah iyo shan nin oo ku eedaysan in ay si sharci darro ah uga ganacsanayeen.

Kadib hawl-gal ay maanta gelinkii hore koonfurka magaaladda Hargaysa si wada jir ah u fuliyeen wasaaradda deegaanka Somaliland oo kaashanaysa ciidamadda booliska gobolka Maroodijeex.

Waxaana hawl-galkaasi kadib lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo afartaasi Harimacad ee Dhalaha ah, iyo shan nin oo ku eedaysan in ay Tahriibinayeen iyo baabuurtii ay ku sideen.

Afartan Harimacad ayaa la sheegay in labadii todobaad ee u danbeeyay ay wasaaradda deegaanku ku daba jirtay hawshooda, kuwaasoo lagu hayay goob ka tirsan degmadda Salaxley.

Iyadoona hawl-galkaasi markii lagu soo guulaystay Harimacadyadii la geeyay xarun ay wasaaradda deegaanka Somaliland ku xanaanayso Harimacadyadda oo ku taalla magaaladda Hargaysa.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka warbixisay hawl-galkaasi ayaa ku tilmaantay in ay tahay guul u soo hoyatay wasaaradda deegaanka.

Kaasoo ay ku sababaysay in hawl-galkaasi uu ahaa mid aad iyo aad u adag, isla markaana kooxda fulisay oo ka koobnaa booliska, shaqaalaha wasaaradda deegaanka iyo dadka shacabka ahiba ay ka wada qayb qaateen.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa hawl-galkaasi ku bogaadisay cid kastoo ka qayb qaadatay gaar ahaana dadkii shacabka ahaa ee gacanta ka siiyay booliska iyo shaqaalaha wasaaradda deegaanka markii ay ku daba jireen gawaadhida lagu siday Harimacadyadaasi.

Shanta nine e lagu soo qabtay in ay si sharci darro ah uga ganacsanayeen Harimacadyadaasi ayaa lagu xidhay saldhigyadda booliska magaaladda Hargaysa.

Waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la hor gayn doono haayadaha sharciga ee  ku shaqadda leh, si ay wixii waajibkoodda ah uga gutaan, sida ay sheegtay wasiir Shukri Xaaji Baandare.

Dawannews.com/Hargeisa Office.

Leave a Reply