Wasiirka Maaliyada Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Arday Baratay Dib U Habaynta Maamulka Maaliyadda

0
346

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey 219 hawlwadeeno hay’adaha dawlada ka kooban oo muddo qaadanayey waxbarasho la xidhiidha maamulka maaliyadda, qeybna ka ahaayeen shaqaale ka tirsan Wargeyska Dawan.

Munaasibad habeenkii jimcaha lagu qabtay huteel Maansor, kana soo qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Marwo Rooda Jaamac Cilmi, Agaasimaha Guud Maxamed Cabdi Gurxan, Madaxa Barnaamijka PFM ee Wasaarada Maaliyadda, Mr. Xasan Faarax, isla markaana goobjoog ahaayeen shaqaale gaadhay  52 arday oo dhamaystay waxbarasho uruurinta dakhliga gudaha (DRM) Jaamacada Hargeysa iyo 167 arday oo dhamaystay waxbarashada ICGFM oo shahaado Diploma ku qaatay, wadartoodu tahay 219 arday ka kala yimi Wasaaradaha & hay’adaha dawladda.

Wasiir-xigeenka Maaliyadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi oo hadal ka jeedisay ayaa bogaadisay shaqaalaha dhamaystay waxbarashada, isla markaana sheegtay in dadku yihiin qof fursad hela, balse aan ka faa’iideysan iyo qof aan nasiib u helin inuu fursadan ka faa’iideysto.

Marwo Rooda ayaa sheegtay inay iman doonto wakhti shaqaalaha dawladda lagu qiimeeyo aqoonta ay leeyahiin, hadii hore garasho ama wax kale kaalin ku lahaayeen, waxaanay kula dardaarantay ardaydii abaalmarinada la siiyey inay waxbarashooda sii kordhiyaan.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyey ayaa hambalyeeyey shaqaalahii ku guulaystay waxbarashada, waxaanu u soo jeediyey kuwa weli aan dhamaysana inay ku dedaalaan gaadhitaanka hadafkooda.

Dr Sacad ayaa sheegay in hawlwadeenada abaalmarinta la siiyey ka gudbeen talaabadii koowaad ee aqoonta la barayey, waxaanu ugu baaqay inay ku dedaalaan barashada talaabooyinka ku sii xiga, ilaa dhamaystirkeeda.

Dr Sacad ayaa sheegay in waxbarashadu bilaash ahayd, oon lacag laga qaadin ardayda, balse cid kale bixisay kharashkii ay wax ku baranayeen  ee Baanka Aduunku ku maalgelinayey barnaamijka dad cashuur-bixiyeyaal ayaa soo bixiyey, markaa waa inaad xusuusnaataan hadafkii  dadkii soo bixiyey kharashka, oo kaga dhabaysaan barashada aqoonta ay idiin fududeeyeen.

 

Leave a Reply