Lukaku oo ka Hadlay Wararka Sheegaya inuu Doonayo inuu isaga Tago Chelsea Xagaaga

0
486

Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa in uu ka xanaaqay wararka saacadihii ugu dambeeyay sheegaya in uu doonayo in uu isaga tago chelsea kuna laabto Inter Milan.

Waxa saacadihii ugu dambeeyay soo baxay warar sheegaya in uu Xiddiga reer Belguim diyaar u yahay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu uga tago kooxda dibna ugu laabto Inter Milan.

Wararka sheegaya in uu xiddiga reer Belguim doonayo in uu isaga tago kooxda ayaa imanaya xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka chelsea kadib cunaqabatayntii dusha laga saaray milkiilaha kooxda sidoo kale kooxdu kala kulantay xukuumada UK.

Si kasta ha ahaatee The Telegraph ayaa sheegaya in uu Lukaku ka xanaaqay wararkaas waliba dareensanyahay in ay cid walba oo chelsea ah isku xidhnaato wakhtigan kooxdu ku jirto xaalada adag.

Xiddiga Lukaku ayaa ku fashilmay chelsea in uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigo xilli ciyaareedkan kadib markii uu lacag dhan 97 milyan ah ugu soo biiray Chelsea xagaagii.

Leave a Reply