Togdheer Waa Meelaha Ugu Daran ee Abaartu Saamaysay

0
503

Burco (Dawan): Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Ibraahim (Nafaqo), ayaa ka warbixiyay caawimooyinka Raashin iyo biyo ee ay xukuumadda Somaliland soo gaadhsiisay gobolkaasi ilaa iyo inta ay abaartu ka taagnayd degaamadda ka tirsan Togdheer.

Badhasaabka Togdheer ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha heer gobol, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in gobolka Togdheer uu yahay ka ugu daran ee ay abaartu waxyeelaysay.

Badhasaabka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Gobolka Togdheer, waa meelaha ugu daran ee ay Abaartu saamaysay. Ha ugu darnaato biyo la’aanta iyo Baad la’aanta, iyo cunadii ay dadku cunayeen.

Guddiga gurmadka Abaaraha qaranka Somaliland shaqadoodu waxay bilaabatay bishii December ee sanadkii hore.

Mudadaa waxay u taagnaayeen Hadh iyo Habeen ba, sidii ay u soo gaadhsiin lahaayeen gobolkan Togdheer. Haday noqoto dhanka dawladda, dhanka ganacsatadda iyo haday noqoto dad kaloo muxsiniin ahba”.

“Guud ahaan markaan soo koobo, Biyaha na soo gaadhay bishii 12aad, iyo koowaad iyo labaad, iyo saddexaad oo aan imika ku jirno, 5000, oo Lawdh ayay gaadhayaan.

Sidoo kale Raashinka na soo gaadhay ee ay soo dhiibeen gyddifa gurmadja Abaaraha qaranku, waxay dhan tahay, 2200, oo qoys.

Guddiga gurmadka Abaaraha qaranka waan u mahad celinayaa. Shaqadiina ilaa hadda si fiican bay u socotaa. Dadkiina deeqdii raashinka iyo biyaha ee loogu tallo galay si fiican bay u socotaa.

Min Tuullo, min degmo, iyo meel kastoo ay dadku ku urursan yihiin, ee Baadiyaha ah” ayuu yidhi Nafaqo.

Geesta kale badhasaabka Togdheer Maxamed C/laahi Ibraahim (Nafaqo), waxa uu sheegay inuu fhawaan safar ugu bixi doono deegaamadda gobolkaasi.

Si uu u soo hubiyo in caawimooyinku ay si fiican u wada gaadheen dadka tabaalaysan ee loogu tallo galay.

Waxaanu yidhi, “Waxaa qorshaysan in goobihii ay gaadheen caawimooyinka kala duwan ee Biyaha iyo Raashinka, in aanu kormeer ku soo mari doono, sida ay raashinka iyo biyuhu u gaadheen”.

Dhinaca kale Maxamed Ibraahim Nafaqo, waxa uu beeniyay in la kala diray guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka Togdheer.

“Qodobka labaad, waxaa beryahan la is waydiinayay guddiga gurmadka Abaaraha gobolkan Togdheer, oo ah ragg culimo ah, oo muxtarimiin ah, oo in badan shaqaynayay, Abaartan ilaa kuwii hore, oo la yidhi shaqadii baa laga joojiyay, ama waa la kala diray, taasoo eray khaldan ah.

Guddiga Abaaraha heer gobol, anigaa markii hore magacaabay, si muxtarim ah oo wanaagsan ayaanay iila shaqeeyeen.

Markii danbena anigaa u tudhay, shaqooyinkoodii, iyo hawlahoodii gaarka ahaa, ee faraha badnaa ee ay haysteen.Intaa ka hadhay in aan anigu wado, ayaan door biday.

Waxa kaloo jirtay in meelaha qaarkood la lahaa, waxaa guddigaasi loo kala diray, wax bay is dhaafiyeen, ama wax bay lunsadeen. Ama qabyaalad bay sameeyeen, ama way is qab-wabsadeen iyagu dhexdoodda.

Arrinkaasina waxba kama jiraan” ayuu badhasaabka gobolka Togdheer.

 

 

 

Leave a Reply