Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Booqasho Rasmiya Uga Bilaabantay Dalka Maraykanka

0
493

madaxweynuhu waxa uu berito(maanta) ka hadli doonaa xarunta Heritage Foundation oo ah meel male curiye..”Ambasadoor Bashiir Good

 “Madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Joe Biden, xubnaha aqalka Koongarayska, hogaamiyeyaasha Ganacsiga…”Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha

Washington DC(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay gelinkii dambe ee saacada geeska Afrika gaadhay magaalada Washington DC ee caasimada dalka Maraykanka, halkaasoo ay booqasho rasmi ah uga bilaabantay, waxaana gegida diyaaradaha Dallas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dawladda, xubno kamida golaha xukuumadda oo gogol-xaadh u ahaa, kana mid yihiin wasiirka Arrimaha dibeda, safiirka Somaliland u fadhiya maraykanka iyo Jaaliyadda dalkaasi ku dhaqan.

Weftiga Madaxweynaha oo dalka ka ambo-baxay Sabtidii doraad, isla markaana sii maray caasimada dalka Itoobiya ee Addis ababa oo ay ku qaabileen xubno kamida masuuliyiinta sar sare ee waddankaasi,qadar nasasho ah kaddibna ay  kuna sagootiyeen Madaarka Bole International Airport ee Magaalada Addis-ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya,ayaa isla shalayba markii ay gaadheen dalka Maraykanka ay u bilaambeen hawlihii shaqo ee ay halkaasi u tageen.

“Madaxweynaha waxa garoonka diyaaradaha ee DALLAS AIRPORT si rasmi ah ugu soo dhaweeyey xukuumadda maraykanka, waxaa markii uu madaarka ka soo baxay si weyn ugu soo dhaweeyey banaanka bulshada somaliland ee isu diyaariyey soo dhaweynta. madaxweynuhu waxa uu berito ka hadli doonaa xarunta Heritage Foundation oo ah meel male curiye ah ama fikrad curiye ah, kana mida meelaha laga daraaseeyo siyaasadda dalka maraykanka”ayuu yidhi Ambasadoor Bashiir Good  oo intaasi raaciyey “waxaan rajjeynayaa in booqashadan madaxweynuhu ay noqoto mid taariikhi ah oo guul badan aynu ka soo hoyn doono.

Safiirka, ayaa si weyn uga mahadceliyey jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, sida milgaha iyo maamuska leh ee ay isugu diyaariyeen soo dhaweynta weftigka madaxweynaha.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayey booqasho uga bilaabantay dalka Maraykanka. madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa masuuliyiin ka tirsan maamulka Joe Biden, xubnaha aqalka Koongarayska, hogaamiyeyaasha Ganacsiga, wakiillada ururrada bulshada dalkaasi. waxaanu kala hadli doonaa istaraatiijiyada iskaashiga ka dhexeeya labada dal”sidaasina waxa bartiisa Twitterka ku baahiyey xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mobarik Ismaaciil Taani.

Geeska kale, socdaalka madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay si weyn isha ugu hayaan bulshada Somaliland ee daafaha caalamka kala joogtaa, ayaa shacbigu warbaahinta iyo baraha lagu xidhiidho ay aad ugu falanqeeyeen, iyadoo aragtida dadweynuhu nuxur ahaan koobsanaysa in safarkani uu yahay mid ahmiyad-weyn u leh dalka, marka loo eeggo miisaanka weftiga oo ka kooban Xukuumadda iyo tijaarta waaweyn ee waddanka oo aan hore looga baran inay si shaacsan socdaal ugu baxaan dibada.

Weftiga Madaxweynaha, ayaa ka kooban Wasiirrada wasaaraddaha arrimaha dibada md. Ciise Kayd, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mudane, Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga iyo Wershadaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Mudane Jaamac Muuse Jaamac iyo Xubno ka mida Ganacsatada Dalka.

waxa kale oo weftiga la socda qaar kamida saraakiisha qasriga madaxtooyada oo ay kamid yihiin, xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha, agaasimaha waaxda warfaafinta, sawir qaadeyaal.

 

Leave a Reply