Wefti Ka Socda Golaha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland oo Gaadhay Xarunta Baarlamaanka Yurub

0
504

Brussels (Dawan): Wefti ka socda golaha Baarlamaanka (Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida) Jamhuuriyadda  Somaliland, ayaa gaadhay caasimadda dalka Belgium ee Brussels oo sidoo kale ah xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub.

Weftiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Cali Xaamud Jibriil, xubnana ka yihiin xildhibaanno ka ka ka kala tirsan goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, ayaa martiqaad rasmi ah ka helay Baarlamaanka Midowga Yurub.

Weftiga oo ka dhoofay Madaarka Cigaal ee caasimadda Hargeysa gelinkii hore ee shalay, ayaa gaadhay magaalada Brussels oo ah xarunta Ururka Midowga Yurub subaxnimadii hore ee saaka.

Xubnaha weftiga baarlamaanka Somaliland waxay kala yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Md Cali Xaamud Jibriil, Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Md Siciid Cabdillaahi Yaasir iyo La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Golaha Guurtida marwo Faadumo Siciid.

Weftiga ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la yeesheen xubno ka mid ah Baarlamaanka dalalka Midowga Yurub ee taageera qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Leave a Reply