Man United oo Heshiis Cusub & Shaqo kale u soo Bandhigaysa Juan Mata

0
336

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo bandhigi doonto shaqo tababaranimo hadii uu weeraryahanku go’aansado in uu ka fadhiisto ciyaaraha xagaaga.

Heshiiska xiddiga 33 jirka ah ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan umana badna in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda kadib markii uu 4 kulan oo kaliya ciyaaray.

Mata ayaan ciyaarin wax kulan ah premier League xilli ciyaareedkan iyada oo kulankii ugu dambeeyay ee uu u ciyaaray chelsea ahayd kulankii FA Cup-ka ee ay guuldarada kala kulmeen Middlesbrough.

Kooxo dhawr ah oo premier League ayaa doonaya saxiixa xiddiga in ay qaab xor ah ku hleaan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Sun, ayaa sheegaya in ay Man United Mata u soo bandhigi doonto in uu ka qayb noqdo shaqaalaha tababarka hadii uu ciyaaraha ka fadhiisto.

Leave a Reply