Tobanka Xiddig ee ugu Goolasha Badan Kubada Cagta oo la Soo Saaray

0
398

Cristiano Ronaldo ayaa noqday gool dhaliyaha ugu sareeya taariikhda kubbada cagta kadib markii uu saddexley u dhaliyay Man United kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Tottenham Hotspur sabtidii.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa haatan dhaliyay 807 gool xirfadiisa ciyaareed, waxaana si rasmi ah loogu tiriyaa gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda, sida ku cad rikoorada FIFA.

Waxa uu dhaafay rikoor uu horay u dhigay halyeeyga reer Austria Josef Bican, kaasoo dhaliyay in ka badan 1500 oo gool xirfadiisa ciyaareed, balse kaliya 805 ayaa waxaa aqoonsaday FIFA.

Halyeyga reer Brazil Romario ayaa ah ninka saddexaad ee ugu goolasha badan taariikhda isagoo dhaliyay 774 gool xirfadiisa ciyaareed.

Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa haatan ku jira kaalinta 4-aad ee gool dhalinta isaga oo dhaliyay 759 gool xirfadiisa ciyaareed.

Cristiano Ronaldo – 807 goals

Josef Bican – 805 goals

Romario – 772 goals

Lionel Messi – 759 goals

Pele – 757 goals

Ferenc Puskas – 746+ goals

Gerd Muller – 734 goals

Ferenc Deak – 576+ goals

Uwe Seeler – 575+ goals

Tulio Maravilha – 575 goals

Leave a Reply