Guddoomiye Xinif oo Digniin kama Danbaysa u Diray Hay’addaha ogolaashiyo la’aanta dalka ku soo gala

0
383

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland, Cabdikariim Axmed Maxamed Xinif, ayaa sheegay in isha dhaqaale ee Somaliland lahayd ay ahaayeen xoolaha nool, balse    hadda dabargo’ooda ay kaalinta koobaad kaga jiraan hay’addaha lacagaha siiya dadka xooluhu ka baxeen ee sameystay kaamamka barakacayaasha.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay in aanay dalka ka shaqeyn doonin, hay’ad danbe oo inta ay waddanka iska soo gasha tidhaahda Nayroobi ayaanu ka socona.

Guddoomiye Cabdikariim isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Waxa maanta halkaasi ku dhammaaday hay’ad iyada oo wax iska sidata aanan ogayn isla markaana aan qorshahayaa ku jirin aan waafaqsanayn, in inta iyada oo wax iska sidata ay tidhaahdo Nayroobi ayaanu ka nimid, Nayroobi ayaa nalaga leeyahay ee waxaasi sameeya, waxa aanu isugu kiin yeedhnay in aad ogaataan in taasi aanay mar danbe shaqayn doonin.

Waddanku hal il oo dhaqaale ayuu laha, waxaanay arrintani si dadban arrintani dagaal waxa ay ugu haysa xoolaheeni noola, waxba abaar yaan lagu marmarsoon, dadkeena Miyiga jooga waxaad mooda in ILLAAHEY ay abaarta ka baryayaan si ay u soo xaroodaan,”

Leave a Reply