Warbaahinta Dunidu Maxay ka Qortay Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku Joogo Maraykanka

0
388

Washington (Dawan) Wakaaladaha wararka iyo warbaahinta caalamiga ah ayaa baahiyey socdaalka weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku joogo dalka Maraykanka.

Wakaaladda Wararka ee AP, ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu dalalka caalamka ugu baaqay inay aqoonsadaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakaaladda AP, waxay soo xigatay Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in aanay Soomaaliya xiisaynayn  in wadahadallada Somaliland la galeen ay ka soo baxaan wax macno lihi, waxaanu bayaamiyey in wadahadalkaasi uu fashilmay.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ugu baaqay dalalka caalamka inay damiir ahaan  taageeraan aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakaaladda Wararka ee AP, waxa kaloo ay xustay in Madaxa Machadka caalamiga ah ee Heritage Mr. Keiven Roberts uu aaminsan yahay in Maraynku bah-wadaag muhiim ah ka dhigto Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama oo ay Somaliland tahay  dal nabdoon oo ku yaalla gobol ay ka jirto xasaradaha Argagixisadu.

Sidoo kale,waxa socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee magaalada Washington qoray wersideyaasha kala ah News Advocate, Colorado Spring Gazatte iyo Times Daily.

Leave a Reply