Hay’adda Heritage Foundation oo soo ka Hadashay Horumarka ay Somaliland gaadhay

0
233

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Caalamiga ah ee The Heritage Foundation oo fadhigeeda u weyni yahay dalka maraykanka ayaa ka hadashay guulaha ay Somaliland ku talaabsatay 30 kii sano ee u danbeeyay iyo sida ay u hanatay Qaran dimuquraadiyad ku dhisan.

Hay’adda The Heritage Foundation oo ah hay’ad kor u qaadda siyaasadaha guud ee ku salaysan mabaadi’da ganacsiga xorta ah, dawlad wanaaga , xorriyadda shakhsi ahaaneed, qiyamka Maraykanka ee soo jireenka ah, iyo difaac qaran xooggan.

Hay’addan ayaa sidoo kale qaabilsan cilmi baadhista, midaynta dhaqdhaqaaqa muxaafidka si ay u wada shaqeeyaan iyo tababarka Hogaamiyayaasha si loo diyaariyo jiilalka mustaqbalka ee hogaamin doona Ameerika.

Hay’adda Heritage Foundation ayaa sheegtay in dhulka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka mid yahay meelaha ugu istiraatijisan Afrika uguna Xasiloonida badan.

Hay’adda The Heritage Foundation waxay sidoo kale Somaliland ku ammaantay in soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dhisatay dimuquraadiyad weli sii xoogaysanaysa iyada oo sidoo kale qayb weynna ka qaadatay xasilloonida gobolka.

Heritage Foundation ayaa waxyaabaha kale ee Somaliland ay ku ammaantay ku soo dartay in sannadkii 2020-kii, ay xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay Taiwan.

Hay’addan ayaa boggeeda ku daabacday in aanu jirin dal ka mid ah caalamka oo wali u aqoonsaday in Somaliland ay madax-bannaan tahay, inkasta oo ay si madax bannaan Caalamka ula dhaqanto.

Bogga ay Internetka ku leedahay Hay’adda The Heritage Foundation ayaa lagu daabacay inay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ay ku martiqaaday xaruntooda si uu uga hadlo xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, taas oo fure u noqon doonto booqashadiisa Maraykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga Magaalada Washington, ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey xarunta Machadka caalamiga ah ee siyaasadda falanqeeya ee Heritage, waxaanu  ka hadlay xaaladda Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay ee ay ku soo gaadhay inay noqoto mid ka mid ah dalalka ugu xasiloon, uguna dimuqraadisan mandaqada gobolka Geeska Afrika.

Leave a Reply