Cafiska Dadka Qirta Denbiga!

0
281

Dhaxal sugaha boqortooyada Ingriiska ayaa kormeer ku tegay Jeelasha dalka, si uu cafis ugu fidiyo maxbuuska u qalma inu la siiyo. Markii loo sheegay maxaabiista arinkaasi maxaabiista  ayuu mid kasta uga cabanayay cadaalad darro ku dhacday oo lagu xidhay iyo inuu mutaystay xaqna u leeyahay inuu saamaxo madaama marka horeba si cadaalad daro loo xidhay.

Waxase yaab ahayd in maxaabiista midkood aanu soo kicin isla markaana u iman oo aanu weydiisan cafis, waxaana uu iska fadhiyay goobtii la soo fadhsiiyay si ay ula kulmaan Amiirka. Boqorka ayaa ninkaasi la yaabay oo ku yidhi “ adiga maxaa ku helay ee aad usoo kici weyday oo aad u sheegan weyday codsigaaga?” Maxbuuksa ayaa ku jawaabay “ Boqor anigu waxaan ku faraxsanahay  jeelka, waayo waxaan galay denbi waxaana aan rabaa in marka uu iga dhamaado aan ka baxo, waayo aniga ugama dhicin cadaalad darro”.

Boqoarkii ayaa markiiba yidhi “ Anigu ninkaasi oo keliya ayaan cafiyay, waayo wuxu og yahay inuu denbi galay oo uu u baahan yahay cafis”. Qirashadu waa qayb ka mid ah inaad ka murugoonayso wixii aad samayn jirtay.

Leave a Reply