Dagaalada Caalamka Iyo Siraha Qarsoon!

0
742

 

Dagaalada caalamka waxa loo qarxiyaa iyadoo dano gaar ah laga leeyahay, dagaalkii koowaad iyo kii labaad waxa labadaba laga dhex arkayay dano dhaqaale iyo kuwo hogaaminta dunida.  Kooxaha qarxiya dgaalada mararka qaarkood khataro ay ka baqayaan oo ku soo waajahan ayay u qarxiyaan holaca dagaalka.

Sanadkii 1967 wakhtigaasi oo uu socday dagaalkii lixd maalmood ee dhex marayay dalalka Carabta ee Israa’iil , ciidanka Cirka ee Yuhuudda iyo doonyahood dagaalka ayaa weerar ku qaaday Markab lagu magacaabo USS liberty oo ahaa kuwa cilmi baadhista, dawladda Maraykanku lahayd.

Weerarkan oo ahaa mid cirka iyo  badda ka kooban ah waxaa ku dhintay 34 shaqaale ah oo kala ahaa sarkaal iyo askar ciidamada badda, badmaaxiin iyo qof shaqaale rayid ah, waxaana ku dhaawacmay 171 badmaaxe. Burbur xooggan ayaa soo gaadhay markabka. Waxa kale oo Iyana aad la yaab u noqotay in Wakhtigaasi uu markabku ku sugnaa biyaha caalamiga ah ee waqooyiga Jasiiradda Siinay, goob u jirta qiyaastii  47.2 km.

Israa’iil ayaa raaligelin ka bixisay weerarkaas, iyadoo sheegtay in USS Liberty uu ku dhacay weerara khalad ah. Labada dawladood ee Israa’iil iyo Maraykanku waxa ay sameeyeen baadhitaanno waxay iyagoo ku adkaystay in weerarku uu ahaa mid aan loo kasin sababtoo ah iyadoo ciidanka Yuhuudda ay ku  jahwareereen aqoonsiga markabka. Laakiin ciidanka ka badbaaday ayaa arinkaasi diiday waxaana ay sheegeen in weerarku uu ahaa mid u kas ah iyadoo si cad ay u ogaayeehn ciidanka Israa’il Markabkaasi.

Bishii May sanadkii  1968dii, dawladda Israa’iil waxa ay bixisay lacag dhan US$ 3.32 milyan (oo u dhiganta US $ 24.7 milyan sannadkii 2022).  Dawladda Maraykanka ayaa magdhowga  siisay qoysaska 34 nin ee lagu dilay weerarka.  Bishii Maaris sanadkii 1969, Israa’iil waxa ay siisey $3.57 milyan oo kale ($25.2 milyan sanadka 2022) dadkii ku dhaawacmay weerarka.

Bishii Disembar 1980-kii, waxa ay ogolaatay inay bixiso $6 milyan ($18.8 milyan sanadka 2022) oo ah xallinta kama dambaysta ah ee waxyeellada maadiga ah ee ka dhalatay weerarka.

Dalka Maraykanka ayaa la sheegay in uu arinkaasi u faafin waayay isagoo saaxib dhow la ah dalka Israa’il markii uu ogaaday in weerarku uu ahaa mid si u kas ah u dhacay. Waxase ilaa hadda aan cidna cadayn karayn sababta Dayuuradaha Israa’iil u weerareen Markabkaasi iyagoo garanaya iyo siraha ku qarsoon weerarka. Waa arin ku jirta hal xidhaalayaasha dunida ee aan weli la furfuran.

Leave a Reply