Hargeysa: Banaynta Waddooyinka xidhmay ee 31 May iyo dhismaha laamiyada cusub

0
765

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-ka sekow joogtaynta nadaafada iyo bilicda magaalada, mid kamida mashaariicda horumarineed ee ay dawladda hoose ee Hargeysa waddo bilihii ugu dambeeyey, ayaa ah dib-u-dhiska waddooyin muhiim u ah oo isku-xidhka qaybo kamida caasimada.
Waxa kamida jidka afaafka suuqa dhexe ilaa xaafada Isha Boorama ee waaxda 31 May ee laga shaqaynayo oo laami cusub la dhigayo, iyadoo qayb kamida la dhamaystiray.

Mashruucan oo meel fiican maraya, ayaa laga fulinayaa cashuurta dadweynaha, isla markaana aanay jirin cid dawladda hoose ka caawinaysaa, sida uu sheegay duqa caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo warbaahinta la hadlay Salaasadii todobaadkan xilli uu kormeerayey habsami-socoddka shaqada waddaddaasi “su’aasha ugu badan ee la i waydiiyaa waxa weeye waddooyinka dhismahooda ma deynbaad ku qaadateen oo aad u amaahateen. waxaan leeyahay maya ma jirto cid aanu lacag uga amaahanay iyo cid naga caawisay toona, laakiinse waa cashuurtii laga qaadayey dadweynaha, waa cashuurtii ay bixiyeen dadka reer Hargeysa”ayuu yidhi Maayar Mooge oo farriin u diray dadweynaha “dadweynaha reer Hargeysa waxaan ka codsanaynaa laba qodob inay cashuurta bixiyaan iyo inay noogu duceeyaan in shaqada alle nagu asturo”ayuu raaciyey

Geesta kale hawsha dhismaha waddadan waxa barbar socda oo xaafadaha qaar laga fulinayaa ololle lagu banaynayo waddooyin xidhmay iyo kuwo lagu soo durkay.
Dhismeyaal ayaa khadka cas la mariyey oo dumis lagu qoray jidka hareerihiisa looga dhisay sifo sharci-darro, waxaanay u badan yihiin dayrar dhagax ah.

Sidoo kale waxa khadka cas maray dhismeyaal laga dhex dhistay waddooyin oo ay si ku-talo-gal ah u xidheen dad shacab ah, waxaana kamida Jiingado laga taagay waddo dhan oo xaafado dhex marta, taasoo caqabad ku noqotay dhul dad leeyihiin in qofkii lahaa dhisto iyo inuu si kale ugu tasarufo.
Dadweynaha xaafada ayaa si weyn u soo dhaweeyey shaqada ay dawladda hoose halkaasi ka wado ee uu hogaaminayo Maayar Mooge, waxaanay ku tilmaameen talaabo ay mudd dheer sugayeen “todoba sannadood ayaa dhulkan in aan dhisto waxa iga hortaagnaa jiingadaha waddada lagu xidhay ee horyaalla gurigaygan oo qayb kamid ahi dhisantahay, dad-baa si badheedh ah u dhistay oo aanu afar sanno dacwad iskula jirnay, dhamaan Maxkamadduhu waxay xukumeen in baadil laygu xanibay. aakhirkiina Maxkamadda ayaa amartay in layga horqaado oo xukun fulineed ka soo saartay.
laakiinse wali fulintii lama samaynin,markii la xukumay ilaa iminka waan sugayaa in la fuliyo si aan u dhiso guriga qaybta qaybyada ah”ayuu u sheegay wariye ka tirsan Dawan Axmed Ibraahim oo kamida dadka ay dhibaatada ku hayaan waddooyinka xaafada Isha Boorama ee sida kaska ah guryaha looga dhex dhistay.

Duqa Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa Isniintii todobaadkan dadweynaha Xaafadaasi u balanqaaday in ololle waddo banayn ah iyo fulin ay ka samaynayaan degmadaasi maalmaha soo socda, waxaanu dhankooda ka dalbaday inay farta ugu fiiqaan waddo kasta oo xidhan iyo dhismeyaasha waddooyinka ku soo durkay.

Gudoomiyaha degmada 31-ka May Cabdixakiin Nuur Ibraahim oo kamida masuuliyiinta waaxyaha Caasimada ee ugu firinfircoon, ayaa dhankiisa hogaaminayey maalmihii hawlgallo uu ku dardar gelinayo shaqada waaxdiisa, iyadoo xaafadaha waaxda la geliyey gaadiidka wacyigelinta oo bulshada ku baraarujinayey bixinta cashuurta iyo u diyaar-garowga banaynta waddooyinka xidhan.

Si kastaba ha ahaatee, hawlgallada waddo dhiska iyo banaynta jidadka xidhan, ayaa ah laba barmaamuj oo yihdidiillo geliyey shacbiga dhaqan degmadaasi, waxaana xusid mudan inay dawladd hoose ee Hargeysa muddo kooban ku dhaqaajisay dhowr waddo oo kala duwan, kuwaasoo u badan kuwo hore laami u ahaa oo burburay, balse ay iminka dayactir casriyeyn ah oo mustaqbal leh ku samaynayso.

Leave a Reply