Ururka STAND Charity Org oo gurmad Biyo-dhaamis ah ka fuliyey Deegaamo kamida Somaliland iyo Itoobiya

0
277

Dawan(Dawan)-Iyadoo guud ahaan dalka lagu jiro gurmadka xaalada abaarta ee ku baahday gobolada Somaliland, ayaa ururka STAND CHARITY oo kamida ururrada maxaliga ah waxa uu kaalmo biyo ah gaadhsiiyey deegaamo kamida Gobolada Buuhoodle iyo Maroodi-jeex oo ka taagantahay dhibaato biyo-la’aaneed oo darani.

Ururkan, ayaa gurmadka Biyo-dhaamiska ka fuliyey shalay gobolka Buuhoodle deegaanka Coodanle qaybo kamida iyo deegaanka daba-bahal oo ka tirsan Maroodi-jeex, waxaana kaalmadan ku soo tabarucay oo soo mariyey xubno kamida qurbo-joogga Somaliland ee dalka dibadiisa ku dhaqan.
Deegaanka Coodanle, ayaa waxa Ururku gaadhsiiyey in ka badan 100 qoys Biyo, sidoo kale waxa uu kaalmo biyood gaadhsiiyey deegaanka Daroor oo ka tirsan gobolka Jarar ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo ilaa lixdan qoys ururku biyo jal ah gaadhsiiyey.
Gurmadkaan oo ahaa mid kooban, ayaa haddana ahaa mid baahi weyn loo qabay, marka loo eeggo baaxada xaalada bino-aadaminimo ee ka taagan guud ahaan gobolka oo ay abaartu ku baahday.
Xukuumadda Somaliland, ururrada samo-falka iyo dad kale oo iskood isu-abaabulay, ayaa qayb ka ah taakulada dadka ay abaaruhu saameeyeen, gaar ahaan gobolada Bariga iyo deegaamo kamida kuwa galbeedka.

Leave a Reply