Liverpool oo Hogaanka kala Wareegi Karta Man City Todobaadka Dambe

0
514

Kooxda Liverpool ayaa todobaadka dambe si Rasmi ah hogaanka premier League ugala wareegi karta hogaamiyayaasha horyaalka haatan ee Man City.

Man City ayaa iska lumisay dhibco muhiim ah kulankii ay bar-baraha 0/0 ah la galeen kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kadib Bar-Baraas Liverpool ayaa haatan 4 dhibcood ka dambaysa kooxda Man City xilli ay baaqi u haystaan kulan premier League ah oo ay ciyaari doonaan todobaadkan.

Liverpool ayaa todobaadka dambe noqon doonta hogaamiyayaasha horyaalka premier League laakiin waa in ay badiso labada kulan ee ay ciyaari doonto ka hor inta ayna Man City ciyaarin.

Liverpool ayaa Arsenal la ciyaari doonta Arbacada ka hor inta ayna La ciyaarin kooxda Watford waxana ay si ku meel gaadh ah ula wareegi doonaan hogaanka premier League ka hor inta ayna Man City la ciyaarin Burnley.

Leave a Reply