Neymar JR oo Kusii Jeeda Premier League iyo Kooxda Lama Filaanka ah ee u Gacan Haadisay

0
525

Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa kusii jeeda horyaalka waddanka Ingiriiska  ee Premier League oo uu doonayo inuu tago kaddib toddobaad niyad-jab ah oo uu ku qaatay PSG oo ay isku raaceen guul-darradii Real Madrid iyo taageereyaasha oo ku ooriyey kulankii Bordeaux.

30 jirkan ayaa uu xilli ciyaareedkan 2021/22 u ahaa mid adag oo ay isku raaceen dhaawacyo uu muddo ku maqnaa, qaab ciyaareedkiisa oo liitay oo ay marar badan goolashu dafireen, inuu goob-joog ka  noqday kooxdiisa oo la dhax jiid-jiidayo Santiago Bernabeu iyo ugu dambayntii oo ay taageereyaashu ku ooriyeen.

Neymar oo sannadkii hore si aad ah loola xidhiidhiyey Barcelona ayaa heshiiska uu kula jiro Paris Saint-Germain waxa uu soconayaa illaa xilli ciyaareedka 2024-25, hase yeeshee waxay wararku sheegayaan inay suurtogal tahay inuu ka tago Parc des Princes ka hor inta aan la gaadhin waqtigaas.

Sida uu qoray wargeyska Fichahjes, kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa isku dayaysa inay si lama filaan ah Neymar uga soo qaadato PSG oo ay keento horyaalka Premier League, waxaana arrintaas si gaar ah uga shaqaynaya Pep Guardiola oo qorshihiisu yahay inuu xoojiso Man City marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray, in Newcastle oo uu Sucuudigu iibsaday xilli ciyaareedkan, in ay iyaduna si weyn u doonayso Neymar oo uu ku jiro liiska xiddigaha u calaamadsan ee ay isku dayi doonto saxeexooda. Waxa kale oo aanu wali Neymar ka bixin liiska xiddigaha ay danaynayso kooxdiiisii hore ee Barcelona, balse waxa dabar ku noqonaya mushaharkiisa badan.

Xilli ciyaareedkan socda waxa uu Neymar u saftay PSG 20 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey shan gool iyo afar kale oo uu caawiye ka noqday. Isugeyn, waxa uu u ciyaaray 136 kulan tan iyo markii uu yimid naadiga, waxaanu u dhaliyey

Leave a Reply