Lixda Xiddig ee ay Kooxda PSG u Aragto Mustaqbalka Kooxdeeda

0
309

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa inay go’aamisay lixda ciyaaryahan ee ay doonayso inay ka hareero dhisto kooxdeeda waxaana laga waayay ciyaartoyda loo arko kuwa ugu muhiimsan wakhtigan.

Lionel Messi ayaa Paris qaab bilaash ah ugaga soo biiray dhinaca Barcelona sanadkii hore, 34 sano jirkaas oo la filayay inuu Champions League ku hoggaamiyo PSG ayaa awoodi waayay inuu wareega 16-ka dhaafiyo.

PSG ayaa kahor bilawgii xilli ciyaareedkan samaysay wax loo arkayay suuqii ugu fiicnaa abid kubadda cagta, si lamid ah Messi sidoo kale waxa ay Parc des Princes kasoo dajiyeen Gianluigi Donnarumma, Achraf Hakimi, Georginio Wijnaldum, Nuno Mendes iyo Sergio Ramos.

Marka laga yimaado inay haystaan saf ciyaartoy ah oo xiddigo buux-dhaafiyeen haddana Paris ayaa sababta Real Madrid wareega 16-ka ee Champions League ugaga hadhay isku geyn natiijo 3-2 ah.

Haddaba, sida uu sheegayo wargeyska L’Equipe ee ugu magaca weyn France, PSG ayaan lixda xiddig ee mustaqbalka kooxdeeda ay ka dhex aragto ku darsan mid ahaan saddexleyda weerar ee Lionel Messi, Kylian Mbappe iyo Neymar.

Saddexda xiddig ee ay Paris ka dhex aragto mustaqbalkeeda ayaa kala ah Donnarumma, Marquinhos, Presnel Kimpembe, Marco Verratti, Nuno Mendes iyo Achraf Hakimi.

Xiddiga ugu bandhiga wanaagsan kooxda xilli ciyaareedkan ee Mbappe ayuu heshiiskiisu dhacayaa xagaaga waxaana loo badinayaa inuu Real Madrid qaab xor ah ugu biiri doono.

Neymar iyo Messi ayaan la filayn inay hal xilli ciyaareed oo kale wax ka badan kooxda sii joogaan. Si lamid ah Mbappe, Di Maria oo isagana heshiiskiisu dhacayo xagaagan ayaa lala xidhiidhinayaa inuu ku laaban doono kooxdiisii Benfica.

Leave a Reply