Wasiirka  Beeraha Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Qaar…

0
267

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Maxamed Xaaji Cismaan ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay qaar ka mida hawl-wadeenada wasaaradaas oo dhamaystay tobobar Hawl-wadeenada wasiirku shahaadooyinka guddoonsiiyay ayaa ka ahaa aqoonyhanada waaxda bad-baadada beeraha iyo wadeyaasha gaadiidka wasaaraddaa oo lagu tabobaraayay sidii ay ugu shaqan lahaayeen qalab wasaaraddu ugu talo gashay in lagula dalamo Ayaxa noocyadiisa kala duawan, ku rajiban gaadiidka la dagaalanka Ayaxa ee wasaaradaas.

Tobobarkaas ayaa waxa bixinaayay khubaro u dhalatay dalka Masar, waxaana goob joog ka ahaa madax ka socotay hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO.

Madaxa mashaariicda ee hay’adda FAO Axmed Dr. Maxamed Xuseen oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in hay’adda FAO wada shaqayn dhaw leeyihiin wasaaradda beeraha, waxaanuu intaas ku daray in hay’addau diyaar u tahay wax la qabashada wasaaraadda iyo guud ahaan beeraleyda Somalilanbd.

Agaasinka waaxda bad-baada beeraha Maxamed Siciid Suudaani, waxaanuu sheegay in u jeedada tabobarkaasi yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfada hawl-wadeenada waaxda bad-baadada beeraha, kuwaas oo haya hawl-baaxad wayn, kuna hawlan sidii beeraleyda ku nool guud ahaan dalku ay u heli lahaayeen aqoon la xidhiidha bad-baadada tacabka dalagyada kala duwan ee ay beerashadooda ku hawlan yihiin.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Dr. Aadan Cadalihii Muuse oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in taobarkaasi ka mid yahay dadaalada wasaaradda beeeruhu ay ugu jirto kor u qaadida aqoonta iyo xirfadda hawl-wadeenada wasaaradaas ka hawl-gala, kuwaas oo qaranka u haya shaqo muhiim ah.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac ayaa hawl-wadeenadaas uu tabobarku u soo xidhmay u soo jeediyay casharadii ay barteen in ay kaga shaqeeyaan hawlaha ay wasaaradda u hayaan ee dhanka bad-baadinta beeraha iyo gaadiidka, waxaanuu intaas ku daray in wasaaradda sii wadi doonto tabobarada ay kor ugu qaadayso aqoonta hawl-wadeenada wasaaradaas. Wasiir Maxamed Xaaji wuxuu shahaadooyin guddoonsiiyay hawl-wadeenadii taobarkaas dhamaystay.

Leave a Reply