Wasiirka Maaliyadda oo furay Kulan-hawleedka Qiimayn ah

0
361

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaashalay si rasmi ah Hotel Ambassador uga daah-furay kulan sanadle ah oo Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Iyo Xisaabiye-yaasha gobolada dalka, oo lagu qiimaynayey waxqabadkoodii sannadkii hore 2021, iyo bartilmaameedka dakhli ee sannadkan 2022.

Maamulayaasha Dakhliga ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay war-bixinta hawl-qabadka xafiiska sanadkii hore iyo qorshaha ku-talo-galka dakhli ee sanadkan, iyada oo gabogabada wajiga kowaad ee kulankana masuuliyiinta sare ee Wasaaraddu u jeediyeen hadalo dardaaran iyo waano isugu jira, is la markaana bogaadiyey kuwa dhaafay bartilmaameedkii u yaalay.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Maaliyadda Marwo Rooda Jaamac cilmi iyo Agaasimaha guud Maxamed Cabdi Gurxan oo kulanka hadalo ka jeediyey ayaa ugu baaqay masuuliyiinta waaxyaha dakhliga ee Cashuuraha Berriga , Kastamadda inay ku dedaalaan gaadhitaanka yoolka dakhliga ee miisaaniyadda sannadkan 2022, waxaana kulankan la soo gebagebayn doonaa maanta.

 

 

Leave a Reply