Qorshaha Guusha Iyo Horumarka

0
535

Istaraatiijiyadu waa furaha guusha. Dadka guuleysta waxay ku dadaalaan inay dareemaan waxa ay doonayaan iyagoo adeegsanaaya rabitaankooda waxayna u babac dhigaan cabsi, daal, shaki iyo murugo kasta.

Dhibaatada ugu weyni waa wijiinaha, halasaha iyo hanfiga ka soo horeeya higsiga hilinka guusha.

Hawl kasta oo aad bilowdo, diyaar u noqo inay kaaga baahan tahay dadaal iyo niyad adag. Farqiga u dhexeeya dadka guuleysta iyo dadka aan guulaysan waa dadka guuleysta oo sameeya dhammaan arimihiii ay ka daaleen kuwa guuldaraystay. Marka 10 albaab lagaa furi waayo, dhaaf ha niyad jebin garaac lambarka 11 adigoo fursadda ka faa’idaysanaya oo faraxsan, oo weliba dhoola cadeynaya, wajigaagana aanay ka muuqan murugo, niyad jab iyo daal. Waa albaabka guusha. Ma fahantay waxa aad qabatay? Haa. Waa sabir, wakhti iyo dadaal. 10 albaab oo xidhan maxaad uga niyad jebi weyday? . Waxaad raadinaysay guusha aad gaadhay. Sabirka iyo dadaalku waa furaha guusha.

Leave a Reply