Wasaaradda Cadaalada Oo Magaalada Boorama Ka Furtay Kulanka Diyaarinta Qorsha Wasaaradaas

0
439

Boorama (Dawan) – Wasaaradda cadaalada ayaa magaalada Boorama ka furtay kulan ku saabsan diyaarinta qorshaha wasaaradaasi ay ku shaqan doonto shanta sanno ee soo socda ee 2022 illaa 2027. Sida uu ku soo waramaatyo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Boorama Abokor Xasan Caafi, kulankaas waxa ka soo qayb galay madaxda waaxyaha wasaaradaas, waxaana goobtaas hadal ka jeedsay isu duwaha wasaaradda cadaalada ee gobolkaas Sacaada Cabdilaahi Maxamed, waxaanay hawl-wadeenada soo dhawaysay kulankaas lagu qabtay magaalada Boorama, iyadoo xusay in kulankaas socon doono muddo laba maal-mood ah, isala markaana uu ka soo bixi doono qorshe ay wasaaraddaas ku hawl-gasho.

Taliyaha jeelka magaalada Boroama gaashaanle dhexe Axmed Daahir Nuur ayaa masuuliyiinta wasaaradda cadaalada uga mahadceliyay in kulankaas lagu qabto magaalada Boorama, waxaanuu ka warbixiyay xaaladda jeelka magaalada Boroama iyo maxaabiista ku jirta, waxa kale oo uu ka hadlay qorshaha loo baahan yahay in lagu horumariyoi jeelkaas.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro) ayaa soo dhaweeyay kulankaas lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, waxaanuu xusay in wasaaradda cadaaladdu tahay wasaaradda labaad ee magaalada Boorama ku qabsata kulan ay ku diyaarinayso qorsheeda horumineed, isagoo tilmaamay in wasaaradda qorshayntuna ay sidan oo kale degmada Boorama ku qabsatay kulan ay ku diyaarinaysay qorshe hawleedkeeda dhanka horumarinta

Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaalada Somaliland Axmed Xasan Aw Aadan iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaas Mahdi Cismaan Buuri ayaa sheegay in madaxda wasaaraddu ay isla garteen in magaalada Boorama ay noqoto tii lagu qaban lahaa diyaarinta qorshaha wasaaraddaasi ay ku shaqayn doonto shanta sanno ee soo socota.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda cadaalada Saleebaan Warsame Guuleed ayaa hawl-wadeenada wasaaradaas ee ku hawlan diyaarinta kulankaas u soo jeediyay inay diyaariyaan qorshe lagu harumariyo cadaalada dalka guud ahaan, waxaanuu intaas ku daray in qorshaha kulanaas ka soo bixi doonaa uu noqon doono mid si wayn loo lafo guro.

Leave a Reply